X
    Categories: Warar

Shirguddoonka Baarlamanka Somaliland oo Kulan la Yeeshay Qarammada Midoobay

Araweelo News Network

Nairobi ANN)Xubnaha shirguddoonka barlamaanka Jamhuuriyadda Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada) oo safar ku jooga magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa shirar la yeeshay masuuliyiinta Qarammada Midoobay ee fadhigoodu yahay caasimadda Kenya.
Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), xubnana ka yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Guurtida Md. Siciid Jaamac Cali, Guddoomiye-ku-xigeenka Wakiillada Md. Cali Yuusuf iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Mr. Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa marti-qaad rasmi ah oo ay ka heleen Qarammada Midoobay ku tegay Nairobi, waxayna halkaas kaga qaybgaleen shir socday muddo hal maalin ah.
Guddoomiye Cirro oo kulankaas ka hor saxaafadda la hadlay, ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkooda Nairobi iyo shirka ay la yeesheen masuuliyiinta Qarammada Midoobay, isagoo mahadnaq u diray jaaliyadaha reer Somaliland ee Kenya oo halkaas ku soo dhoweeyey.
“Halkan waxa ku dhan baarlamaanka Somaliland, Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilladaba, waxaanan u nimid iskaashiga ka dhexeeya Qarammada Midoobay iyo barlamaanka Somaliland, iyadoo aannu u nimmi shir si rasmi ah la noogu martiqaaday, kaasoo aannu kaga wadahadlayno iskaashiga ka dhexeeya barlamaanka Somaliland iyo Jamciyadda Quruumaha ka dhexaysay, gaar ahaan tababarrada, kor-u-qaadista amniga baarlamaanka Somaliland, tababarrada guddida iyo shaqaalaha barlamaanka, halka sidoo kale ay ku jirto kor-u-qaadista awoodda barlamaanka (capacity building). Shirkaas maanta oo dhan (shalay) ayaannu halkan ku leenahay, waxaanan jecelnahay in aannu horumar wanaagsan ka gaadhno arrimaha aannu ka wadahadlayno,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.
Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee Golaha Guurtida
“Shirarka aannu yeelanayno waxay qayb ka yihiin shirar hore noogu socday baarlamaanka Somaliland iyo Qarammada Midoobay, gaar ahaan hay’adda UNDP,” ayuu yidhi Md. Siciid Jaamac Cali.
Shirka ay magaalada Nairobi ku yeesheen xubnaha ka socday Shirguddoonka Barlamaanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada), waxa uu dhammaaday Isniintii shalay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post