X
    Categories: Warar

Shir Lagaga Hadlay Arrimaha Xujaajta Somaliland Oo Lagu Qabtay Magaalada Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed, ayaa shaaciyey in Maamulka Muqdisho heshiiska dadka xujaajta ah la saxeexdo dawladda Sucuudiga, maadaama aanay boqortooyadu aqoonsanayn qarannimada Somaliland.
Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo hadal ka jeediyey shir Wasaaradda Diinta iyo Aw Qaaftu ku qabatay magaalada Hargeysa oo lagaga hadlay sida ugu haboon, uguna fiican ee dadka reer Somaliland u gudan karaan waajibaadka xajka, waxa sheegay in aan la isku halayn heshiiska dhinaca xujaajta ee dhexmara Soomaaliya iyo Sucuudiga, balse loo baahan yahay sidii Somaliland wax gaar ah u qorshaysan lahayd.
“Somaliland ma aha dal la aqoonsan yahay, isla markaana ma saxeexno heshiiska xujaajta oo Dawladda Sucuudigu waxay aqoonsan tahay dawladda Faderaalka ah ee Soomaaliya oo iyadu heshiiskaas saxeexda, balse waa in aynaan arrintaas isku halayn oo aynu iskeen wax u qorsheysano, waxaanan isugu yeedhnay dadkii aannu bidaynay fikir iyo talo,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed.
Shirka lagu qabtay Hargeysa oo ay ka qaybgaleen culimada waaweyn oo ka kala yimi gobolada dalka Somaliland, Wasiirka Caddaaladda Md. Axmed Faarax Cadarre, Wasiirul-dawlaha Madaxtooyada, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka, Guddoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland, xildhibaanno iyo qaar ka mid ah madaxda shirkadaha diyaaradaha, waxa lagu falanqeeyey caqabadaha kala duwan ee ay la kulmaan dadka xujaajta ah ee reer Somaliland iyo sidii dhibkaas looga bixi lahaa.
Masuuliyiinta kala duwan ee shirkaas ka qaybgalay iyo shirkadaha diyaaradaha oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay inay muhiim tahay sidii looga wada shaqayn lahaa in xujaajta reer Somaliland aanay la kulmin wax caqabado ah, isla markaana loo diyaarin lahaa nidaam u gaar ah dadka xajaya ee Somaliland, maadaama Somaliland iyo Soomaaliya kala yihiin laba dal oo kala madaxbannaan.
Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama
Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
WhatsApp + 252 63 442 5380 Send an SMS or MMS to + 252 659107347

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post