Araweelo News Network

Prof. Azhari

Prof. Azhari

Hargeysa(ANN)”Shillinkii Somaliland waxa uu ku xerooday shirkado gaar loo leeyahay, wuxuunna gacanta u galay dad ganacsato ah, Bandhiga Dhexe, maaha mid shaqeeya” sidaa waxa yidhi. Prof. Axmed Xaaji Cabdillaahi Warsame (Prof. Azhari) oo ka mid ah siyaasiyiinta aqoonyahanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si weyn uga dayriyey xaaladda dhaqaale ee dalku ku sugan yahay waqtigan.

Mr. Azhari oo waraysi siiyey wargeyska Jamhuuriya shalay, waxa uu sheegay in sicir-bararku saamayn xun ku yeeshay nolosha bulshada danyarta ah ee reer Somaliland, wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yidhi, “Waxa aan ognahay in aannu Bandhiga Dhexe ee Somaliland ka shaqayn dalka waqtigan xaadirka ah, kaasoo xakamayn lahaa, isla markaana kaantarooli lahaa sicirka suuqa iyo qiimaha sarifka lacagaha kala duwan,” ayuu yidhi Prof. Azhari oo dhawaan ku biiray xisbiga mucaaridka ah ee UCID.
Waxa kaloo uu tilmaamay in sarifka halka doollar ahaa 6,500 (lix kun iyo shan boqol oo shillinka Somaliland ah) waqtigii madaxweyne Rayaale ee xukuumaddii UDUB talada dalka haysay, halka uu xusay in sarifku hadda marayo 8,000 SLSH (sideed kun) halka doollar.
“Dhaqaalihii dalka Somaliland dhulka ayuu galay maanta oo dadka danyarta ah qaar baan dabka loo shidin ama aan helin laba waqti wax ay cunaan, waxa qudha ee ladan, waxna ah waa dadka u shaqeeya dawladda oo qudha iyo ganacsatada, taasina saamayn weyn ayey ku yeelatay guud ahaan dalka oo dhan,” ayuu yidhi.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa aan ku ogaa madaxweyne Axmed Siilaanyo inuu yahay nin dhaqaalaha bartay, wax badan ayuu ka qaban lahaa xaaladaha dhaqaale ee dalka haddii aan imminka da’du wax kharibin.”
Prof. Axmed Xaaji Cabdillaahi Warsame (Azhari), ayaa sidoo kale dhalliilo u jeediyey shirkadaha waaweyn ee ganacsiga dalka iyo kuwa isgaadhsiinta oo uu xusay inay door weyn ku leeyihiin sicir-bararka saamaynta ku yeeshay Somaliland.
“Lacagihii dalka, gaar ahaan shillinkii Somaliland waxa uu ku xerooday shirkado gaar loo leeyahay, wuxuunna gacanta u galay dad ganacsato ah, halka ay ahayd in Bangiga Dhexe shaqeeyo, lacagana la dhigto, laakiin waxa aad moodaa in Bangiga Dhexe noqday khasnaji ama lacag haye qudha, umana shaqeeyo sidii looga baahnaa bangi dhexe oo dal leeyahay,” ayuu yidhi.

Waxa kaloo uu maamul xumo iyo musuqmaasuq ku dhaliilay xukuumadda talada dalka haysa, waxaannu yidhi; “Waxa jirta in shaqaalaha dawladda si aqoon-darro ah loo qorayo oo maalin walba xil cusub la magacaabayo, waxaas oo dhana waa waxyaabaha sababta u ah sicir-bararka, markaa haddii aan si dhab ah dalka loogu shaqayn, loona eegin halka wax ka khaldan yihiin waa dhibaato, haddii aynu sidan ku sii jirnana xaaladu halis ayey noqon doontaa.”

Prof. Azhari, ayaa sidoo kale cambaareeyey tacriifadaha cusub ee lagu kordhiyey koontiinarada ka soo dega dekedda magaalada Berbera oo uu xusay inay culayska dhaqaale-darro ku sii kordhin doonto dadka danyarta ah, iyadoo Maamulka Dekeddu caddeeyeen in koontiinarka 20-ka fuudh ah lagu kordhiyey lacag dhan $100 doollar.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

WhatsApp + 252 63 442 5380
Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380