X
    Categories: Warar

Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Ka Dhexeeya Akhlaaqda Wanaagsan Iyo Amniga

Araweelo News Network

“In xumaanta layska reebo, wanaagsana lays faro, oo dawladu ugu horeyso, culimada iyo shacabkaba, waa sababaha nabadgelyada inoo Ilaalin kara..”

Hargeysa(ANN)-Sheekh Maxamed Sh. Cumar Dirir ayaa sheegay in Akhlaaqda wanaagsan oo la ilaaliyo ka mid tahay arrimaha amniga lagu ilaaliyo.

Khudbadii oo sheekh Maxamed qeybteeda labaad kaga hadlayey sababaha keena Nabadgelyo-darada ayuu sheegay inay ku timaado marka adoomahu ka fogaadaan Ilaahay, waxaanu yidhi,

“Sababaha keena nabadgelyo darada waxa ka mid ah marka adoomahu Ilaahay ka fogaadaan. Marka nimco badan oo Ilaahay keenay lagu kibro, waxa laga dhaxla dhibaato nabadgelyo-daradu u horeyso.

Sheekh Dirir ayaa sheegay hadii aynu soo aragnay waxyaalaha nabadgelyo-darada keeni kara, waxa loo baahan yahay inaynu ogaano sababaha inoo ilaalin kara oo ugu horeyso in ubadka tarbiyada diinta islaamka lagu barbaariyo, cilmiga diintana dalka iyo dadka ku faafaan.

Waxyaalaha nimcada nabadgelyada inoo ilaalin kara waxa ka mid ah in wanaaga lays faro xumaantana laysku diido ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“In xumaanta layska reebo, wanaagsana lays faro, oo dawladu ugu horeyso, culimada iyo shacabkaba, waa sababaha nabadgelyada inoo Ilaalin kara, taasoo cid keliya aan lagu hallayn.

Diinta Ilaahay ku dhaqankeeda iyo ilaalinta cadaaladu waa sababaha nimcada nabadgelyada inoo ilaalin kara ayuu sheegay Sheekh Dirir, waxaanu yidhi,

“Haddii ummadu sharciga ku dhaqmi waayaan oo dulmigu bato, oo xaqii Ilaahay kii ummadaba la dulmiyo, nabadgelyadu dan ayey u tegaysaa. Ilaahay SW waxuu inoo sheegay “Ilaahay waxuu yidhi nabadgelyo iyo hanuun waxa leh kuwa aan iimaankooda cadaalad daro ku darin’

Akhlaaqda wanaagsan ilaalinteedu waa asbaabaha nabadgelyada inoo sugaya ayuu yidhi Sheekh Dirir,

“Umaduhu waa akhlaaq, marka madaxdu akhlaaq leedahay, ooriyaha iyo ubadku akhlaaq leedahiin, ummadu way qurux badan tahay, laakiin hadii ay noqdaan mid qof walba waxuu doono samaynayo umadaasi way baaba’day. Rasuulku CSW waxuu yidhi, “Qofkii Ilaahay iyo rasuulka rumeeyey ha ku hadlo khayr ama hayska aamuso.” Akhlaaqda wanaagsan oo la ilaaliyo waa arrimaha amniga lagu ilaaliyo.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post