X
    Categories: Warar

Sheekh Maxamed Cumar Dirir Oo Ka Hadlay Dhaalaha, Maceeshada Iyo Sicir-bararka Ka Taagan Somaliland

Hargeysa(ANN)-Sheekh Maxamed Sh Cumar Dirir oo ka mid ah culimada waaweyn ee geyiga Soomaalida caanka ka ah, ayaa shaaca ka qaaday in khalkhalka ku yimaada dhaqaalaha iyo dhuuniga bulshada si adag u taabtaan, guri walbana oo laga dareemo, sidaa darteed looga baahan yahay ganacsatadu inay u damqadaan dadkooda.

Sheekh Maxamed oo khudbadii Jimcaha maanta kaga hadlay saamaynta isbedelka safirku ku yeeshay maceeshadii dadku quudanayeen, iyo sida loogu baahan yahay in ganacsatadu ula dhaqmaan xaaladahaa ayaa yidhi sidan:-

“Marka sarifka doolarku isbedel ku yimaado waxa laga cawdaa ganacsatada inay qiimaha halkii hore ku hayaan, iyagoo ka werwersan inuu dib u koco, waxa looga baahan yahay inay bulshadeena qeybaha wax iibiya la socdaan ascaarta sida uu sheegay Sheekh Dirir, isagoo yidhi,“waxa looga baahan yahay  ganacsatada inay qiimaha sarifka oo markuu kacana la jaanqaadaan,  markuu degana ay dejiyaan qiimaha badeecadaha.”

Rasuulka NNKH wuu u duceeyey dadka marka ay wax-korodhsanayaan, ama wax khaqaajinayaan ummadooda u naxariista, ayuu yidhi sheikh Dirir,“Alle haw naxariisto qofka saamaxaad badan, ee dadka wax ka dhima, markuu wax iibinayo, soo iibsanayo ama amaahinayo.”

Jaangoynta halka sarifka lacagta ee suuqu yahay, ayaa looga baahan yahay in qofka ganacsataduna ku jaangooyo badeecadiisa, hadii sideed yahay, sidaa ka dhig, adigu hadaad toban ku socotay, ogow ummada waad barbar-socotaa, ood khilaafsan tahay.

Sheekh M Dirir ayaa ugu baaqay bulshadu inay xooga saaraan manaafacaadsiga waxa gudaha dalka ka baxa, qiimahiisana hoos loo dhigo.

“Dunida badeecadaha gudaha dalka ka soo baxda waa raqiis, nasiibdarada innaga inna haysata waxa wadanka ka soo baxa ayaa ugu qaalisan, arrinkaasi wacyigelin balaadhan oo xukuumad iyo shicib la iska kaashado waa muhiim. Dadkii masaakiinta ahaa waa bestood. Laba seledood mid 1 dollar & mid 20 sidata ayaa suuqa wada gelaya, waa la is-cawryayaan, oo la is-inkaarayaa. Marka wada tashigeeda loo dhaqaaqo waa in dhego furnaan loo muujiyo, Ilaahayna (CW) loogu dhowaado waxii la hagaajinayo ee islaax ah.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post