X
    Categories: Warar

Sheekh Barbaraawi oo ka Digay Halista Hadallada Fidmo-abuurka ah

Araweelo News Network

Sheekh Berberaawi

Hargeysa (ANN)- Sheekh Cabdillaahi Xasan Xaashi (Barbaraawi) oo ka mid ah culimada waaweyn ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa si adag uga digay halista if iyo aakhiraba lagala kulmi karo ee ka dhalata hadallada fidmo-abuurka ah ee laga dhex faafiyo ummadaha.
Sheekh Barbaraawi oo khudbad maalintii Jimcaha ka jeediyey masjid ku yaal xaafadda Aw Aadan ee degmada Gacan-libaax ee caasimadda Hargeysa, waxa uu sheegay in hadal si dhib yar loo yidhaahdo uu sababi karo nabadgelyo-darro.
“Hadal baa nabadgelyo-darro dhalin kara, qof madax ah ku hadlo, madax-dhaqameed ha noqdo, madax siyaasadeed ha noqdo, qof ganacsade ha noqdo, ku kale oo bulshada ka mid ah noqdo, mas’uuliyad ayaa qof kasta hadalkiisa ka saaran, waanna la weydiin doonaa waxa uu ku hadlay, waxa ka dhasha fitan, khalkhal iyo nabadgelyo-darrana dambigeeda isaga ayaa xambaaran doona oo Alle (SWT) la hortagi doona yaamul-qiyaamaha.
Ø Waa in la iska ilaaliyo ficil kasta oo sababi kara
o Fitnada,
o Khalkhalka iyo
o Nabadgelyo-darrada.
Ø Waa in aynu ka digtoonaanno macsiyada,” ayuu yidhi Sheekh Barbaraawi.
Waxaannu intaas ku daray; “Sidaynu in badan tilmaannay macsiyadu waa cadowga ugu weyn ee ay nabadgelyadu leedahay, waayo waa nimco Ilaahay, Ilaahayna waxa uu nicimka ku bixiyaa, kuna daa’im siiyaa; in Ilaahay la adeeco oo laga amar-qaato oo siduu doonayo loo dhaqmo, nicamkana waxa lagu waayaa oo dadka farahooda ay kaga baxdaa in Ilaahay (SWT) la caasiyo oo bulshadu xumaan isku beddesho, sida ku cad aayadda 1aad ee Al-Racad.”
Sheekh Barbaraawi, ayaa sidoo kale sheegay in waxyaabaha macsida ah bataan maalmaha lagu jiro ololayaasha doorashooyinka, waxaannu yidhi; “Waanad ogsoon tihiin oo maalmahan doorashadu soo dhawaatay macsiyadu aad bay u fara badan tahay, waxaanad moodaa dad fara badan inuu Shaydaanku ka dhaadhiciyey; ‘Doorashadaba in aan la geli karin haddii aan Ilaahay la caasiyin .’ Bal in aan waxba la dooran karin, horta ilaa la waasho oo maryaha lana dhigto.
Waar iyadoo la miyir-qabo oo Ilaahay (SWT) la adeecayo oo macsiyada la iska ilaalinayo, waxa khilaafsan sharciga Ilaahay ee addoomaha ka xaaraantinimeeyey waxa la doonayo in la sameeyo miyaan la sameyn karin? Waa la sameyn karaa, laakiin waa wasaawisu Shaydaan si uu addoomaha Illaahay (SWT) uga fogeeyo, dantooda adduunyo iyo ta aakhirana u seejiyo.”
“Arrin kale ee inala gudboon waxa uu yahay dhammaanteedba waa in aynu isku kaashanno maamul iyo shacab, rag iyo dumar, yar-yar iyo waaweynba, nimcada amniga ah ee Alle (SWT) ina siiyey inaynu ilaashanno. Iskaashigaasi waxyaabaha uu ku suurtoobayo waxa ka mid ah;
• In wanaagga la is-faro, haddii laga tago Ilaahay uu nabadgelyo-darro innagu ciqaabayo.
• In xummaanta la iska reebo, qof weliba xumaanta uu garanayo, inay sharciga Ilaahay khilaafsan tahay oo uu yidhaahdo; ‘Waar Alle ka baqda oo xummaantaasi joojiya.’
• In dadku gacan qudha noqdaan, oo meel qudha uga soo wada jeedaan cidda nabadgelyada khalkhalka gelinaysa ee doonaysa inay dhulka fasahaad ka samayso. Qofna waa in aannu qarin ama ka aamusin, cid uu hubo amaseba ay ula badan tahay dadka Muslimiinta ah inay dhiiggooda daadinayaan ama inay khalkhal iyo nabadgelyo-darro abuurayaan.
Dadka oo dhan ayaa taas ka wada mas’uul ah, dadka oo dhan xaataa boolis ayey u wada yihiin, dawlad bayna u wada yihiin, waayo dantooda ayaa ku xidhan. Arrinta noocaas ah waa maslaxad guud oo qofka sameeya Ilaahay ka ajar siinaayo, waxay soo gelaysaa qaaciidada sharciga ah ee Ilaahay ku sheegay fil-qur’aanul kariim,” ayuu yidhi Sheekh Barbaraawi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post