X
    Categories: Warar

Sheekh Aadan: Wadaadkii MaxaadarooyinkaKululaa Oo Xorriyadiisa Helay

Sheekh Aadan-sunne.

Hargeysa(ANN)-Maxkamadda sare ee Somaliland ayaa xorriyadooda u celisay Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame oo ku magac dheeraa (Sheekh Aadan-Sunne) oo ka mid ah Culimada magaalada Hargeysa iyo koox dhallinyaro ah oo la xidhnaa.

Wadaadka Sheekh Aadan-Sunne oo Ciidammada Booliska Somaliland xabsiga u taxaabeen la sannadood ka hor, dabayaaqada Sannadkii 2017-kii, ayaa maanta la hor-geeyay Maxkamadda sare ee Somaliland, ayaa dib u helay xoriyadiisa, kadib mrkii Maxkamamdu soo saartay go’aan ah in la siidaayo Sheekha iyo dhallinyarada la xidhnaa mudadaa.

Go’aankanka maxkamadda Sare ku gaadhay sii deynta Sheekha iyo kooxda Dhalinyarada ah ee la xidhnaa ee xorriyadooda loogu soo celiyay, waxaa iyagana laga khafiifiyay xukunka laba qof oo kale oo la xidhnaa Sheekh Aadan-sunne.
Sheekh Aadan-suune, oo ahaa Sheekh khudbadaha iyo maxaadarooyinka uu jeediyaa ahaayeen kuwo kulul oo ay dhibsato xukuumaddu, waxaa marar baddan loo taxaabay xabsiga, walaw muddo yar kadib dib loogu celin jiray xorriyadiisa, balse markii la xidhay dabayaaqadii 2017, oo lagu eedeeyay inuu xidhiidh la lahaa kooxda Al-shabaab,, ayaa ahayd markii uu waqtiga ugu dheer ku qaatay xabsiga, wuxuuna xadhiga ugu danbeeyay ee maanta dib loogu celiyay xarriyadiisa ahaa kii uu mudadii ugu dheerayd xabsiga ku jiray, iyadoo marar badan xaaladiisa caafimaad laga dayriyay, xilligan uu xorriyadiisa helayna ay eheladiisu sheegeen inuu xanuunsanayay.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post