X
    Categories: Warar

Sheekh Aadan Sune Wadaad Ka Haajiray Somaliland Oo Tahriib Ku Galay Alshabaab

Sheekh Aadan-sunne.

Araweelo News Network.

Muqdisho(ANN)-Wadaadka caanka ah ee Aadan Candiraxmaan Warsame oo caan ku noqday magaca Aadan Sune, ayaa co codkiisa la maqlay, kaddib markii dhawr toddobaad oo lays weydiinayay markii lagu warhelay inuu ka maqan yahay gurigiisa xaafadda Masalaha ee Koonfurta Hargeysa.

Haseyeeshee Sheekh Aaadan Cabdiraxmaan Warsame “Sunne” ayaa wareysi siiyay BBC-da, isagoo ku sugan deegaannada ay maamulaan kooxda Al-Shabaab kaga hadlay sida uu Hargeysa kaga baxay iyo sababta uu go,aankaa u qaatay.

Waxa uu xaqiijiyay in uu kasoo baxsaday Jamhuuriyadd Somaliland, isagoo eedeyn u jeediyay xukuumadda.

“Magaalada Hargeysa waxaan uga soo baxay anniga oo reerkeygii wata in waddankii aan ku dhashay oo aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwadda Islaamka iyo tarbiyada Islaamka ay igu timi carqalad xooggan oo ku wajahan howshayda, taasoo kaga timi nidaamka ka jira meesha,” ayuu yidhi.

Sheekh Aadan Suna ayaa BBC-da u sheegay in uu hadda ku sugan yahay meelaha ay gacanta ku hayaan xoogagga Al-Shabaab ee fadhigoodu yahay Soomaaliya.

“Hadda waxaan joogaa meel ka mid ah dalkeygii Soomaaliya, gaar ahaanna ku suntan qaybaha wilaayaadka Islaamka ay gacanta ku hayaan. Waxaan dhex mushaaxayaa wilaayaadka 11-ka ah ee ay gacanta ku hayaan xaradaha Shabaab,” ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

Wararka qaar ayaa ku macneeyay tegitaankiisa Al shabab inuu yahay sidii hoggaanka ururka u qaban lahaa, balse arrintaa oo BBC weydiisay ayuu jawaab ka bixiyay.

“Arrintaasi waa male’awaal. Anigu cidna lama wadaagin eray noocaas oo kale ah, hadday dadku laabtayda waxa ka guuxaya male’awaalayaanna xaq uma laha, oo laabtayda waxa ku jira Allah oo kenliya ayaa og. Laakiin annigu waxaan kuu sheegayaa wixii mas’uuliyad diimeed ah ee i qabsada ee laasim igu noqda annigoo diyaar u ah oo Allah ugu dhawaanaya haddana ma jecli madaxnimo,” ayuu yidhi.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post