X

“Sharaf Ayay Noo Tahay Maayarka Cusub Ee Degmada Ceel-Afweyn” Agaasimaha Shaqa Qaran

Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Agaasimaha Shaqa qaran ee Somaliland. Image Araweelo News Network, 18 Jun 2021.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), ayaa madaxweynaha Somaliland oo maanta booqday Dugsiga Carbiska Tababarka Shaqo Qaran  ee ku yaal Darar-weyne oo ah duleedka Woqooyi bari ee Magaalada Hargeysa, warbixin ka siiyey heerka ay marayso dufcaddii saddexaad ee shaqa qaran oo dhawaan qalin-jebin doonta, isala markaana xilligan ay ku sugan yihiin 307 dhalinyaro ah, halka habluhu ay ku sugan yihiin gobollada dalka, sida uu sheegay Agaasimuhu.

Agaasimaha barnaamijka shaqo qaran Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka) iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi oo booqday Dugsiga Dararweyne, 18 Jun 2021, Image Araweelo News Network.

Wuxuu ammaanay dhalinyaradda ku jirta carbiska, isagoo xusay in dhawr iyo toban ka mid ahaa laga eryay kaddib markii ay ku kaceen falal aan waafaqsayan sharciga u yaala, sidoo kale, wuxuu sheegay in saddex ka mdi aaha dhalinyarada carbiska ay la qabsan waayeen duruufaha, sidaana ay iskood ugaga tageen, iyadoo laga qoray caddaymo.

Maxamed Xuseen, wuxuu sheegay in ay ku faannayaan dhawr dhalinyaro ka mid ahaa kuwii ugu horreeyay ee ka baxay Dugsiga Carbiska ay noqdaan saraakiil, kuwo kalena yay qabtaan xilal oo ay ku guulaysteen doorashooyinkii, siagoo tusaale usoo qaatay Maayarka Degmadda Ceel-Afweyn oo hada xilka loo doortay iyo saraakiil kale oo qaarkood uu kusoo arkay gobollada oo haysta Saldhiyo, sida Gudmo-biyoc-cas iyo deegaamo kale.

“Sagaal bilood ka hor inan ka mid ahaa dhalinyaraddii halkan ku jirtay, ayaa ka qaybgalay doorashadii 31 May 2021, dalka ka dhacday, wuuna ku guulaystay, waxayna mar labaad gollaha deegaanka uu ka midka ahaa u dorteen inuu noqdo Maayarka Degmadda Ceel-Afweyn, Maxamed Aadan Digaale oo ka mid ahaa Dufcaddii labaad ee shaqa qaran, waxayna taasi muujinay in dhalinyaradu aannay ahayn oo siyaasiyiinta beri, ama hoggaamiyayaasha beri ee ay noqdeen hoggaamiyayaasha maanta oo taasi soo dedejsiay doorashada iyo guusha uu kasoo hooyay Maxamed Aadan Digaale.” Ayuu yidhi, Agaasimaha Shaqa Qaran Maxamed Xuseen.

Dhinaca kale, wuxuu sheegay Agaasimaha Shaqa qaran in aannay muddadii ay ku jireen dhalinyaradu halkan la kulmin wax dhibaato ah, isla markaana Allaj ka badbaadiyay xannuunka COVID-19, iyo masiibooyin kaleba.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

 

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post