X
    Categories: Warar

Shan Qodob Oo laga soo Saaray Wadahadalkii Somaliland iyo Khaatumo uga Socday Djibouti

Arawweelo News

Djibouti (ANN)- Wadahadallo laba guddi farsamo ka kala socday Somaliland iyo Khaatumo uga socday muddo afar maalmood ah dalka Jabuuti, ayaa laga soo saaray heshiis ka kooban shan qodob.
Wadahadalkan oo ay ka qaybgaleen lix xubnood oo ka kala socday Somaliland iyo Khaatumo oo ay xubno ka ahaayeen Guddoomiyaha xisbiga UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, ayaa qodobada ka soo baxay ay yihiin is-faham guud oo ku saabsan wadashaqaynta iyo sii wadadi kulamada guddiyada wadahadalka.
Qoraal lagu baahiyey qodobada heshiiska oo ay kala saxeexdeen Guddoomiyayaasha labada guddi ee farsamada wadahadalada Somaliland iyo Khaatumo oo kala ah – Maxamed Xaaji Aadan iyo Kayse Cabdi Yuusuf, waxa uu u dhignaa sidan;
“Waxa shir ay isugu yimaadeen guddiyada farsamada ee wadahadallada ee Somaliland iyo Khaatumo 06 – 09/02/2017, wuxuu shirkaasi ku bilaabmay, kuna dhammaaday jawi wanaagsan iyo niyad-sami.
Waxay hawsha guddigani ku koobnayd mid farsamo oo ahayd dib-u-eegis qodobadii hore ee ka soo baxay shirkii Addis Ababa, Itoobiya ee 21/12/2016 iyo u gogol-xaadhidda ee guddiyada wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo iyo samaynta ajandayaasha shirkaasi.
Waxay guddiga farsamadu isla qaateen;
1. Waxa dib-u-eegis lagu sameeyey heshiiskii hore ee 11ka qodob ka koobnaa ee Addis Ababa 21/12/2016 wixii hirgalay iyo waxaan ka hirgalin.
2. In taakulaynta iyo gurmadka abaaraha Somaliland iyo Khaatumo iska kaashadaan, kana wada shaqeeyaan
3. Waxaannu ugu baaqaynaa hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ahba inay si degdeg ah uga hawlgalaan deegaanadaasi, abaaraha iyo horumarin la’aanta jirta awgeed.
4. In shirka guddiyada wadahadallada Somaliland iyo Khaatumo lagu qabto Jabuuti 20.3.2017.
5. Waxaannu si wadajir ah u cambaaraynaynaa falka nabadgaliyo-xumida iyo khal-khal gelinta ahaa ee Puntland ka fuliyeen Madaarka magaalada Buuhoodle 5.2.2017, waxaannu u soo jeedinaynaa inay ka waantowdo falkaas foosha xun iyo farogalintaba,” ayaa lagu soo gunnaanaday war-murtiyeedkaasi.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post