X
    Categories: Warar

Shacbiga Somaliland Oo U Dareeray Goobaha Codbixinta Iyo Jawiga Codbixintu Ku Bilaabantay

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Shacbiga Somaliland, ayaa saaka waaberigii u dareeray goobaha codbixinta doorashadda Madaxtooyadda Somaliland ee dalka oo dhan ka dhacaysa Isniinta maanta ee 13 Nov 2017.

Wararka hordhaca ah, ayaa sheegaya in goobo ka badan 1613 goobood la gaadhsiiyay agabkii iyo shaqaalihii oo isla saaka ay ka bilaabantay codbixintu, balse tiro yar oo goobo u badan dhulka aan wadooyinka lahayn ee gubanka ah oo usii jeeda inta badan xeebaha aanay weli gaadhin agabkii. Kuwaas oo la filayo inay saacadaha soo socda gaadhaan.

Hase yeeshee in ka baddan 1600 goobood, ayay saaka si rasmi ah uga bilaabantay codbixintu, iyadoo qaar ka mid ah haweenka oo ah kuwa codka ugu badan dhibanaya ay xalay xili hore usii hoydeen goobaha qaar magaalooyinka waaweyn ee dalka.

Goobaha qaar magaalooyinka waaweyn iyo dhulka Tuulooyinka ah waxa la arkayaa safaf dhaadheer oo dadku ku jiraan, isla markaana meelaha qaar waxay ka cabanayaan dadku inuu jiro iyo iyadoo aanay dadka hawsha wadaa ahayn ku gacan fudud, taas oo sababtay in marba marka ka danbaysa kayuugu sii dheeraado.

Balse guud ahaan waxay codbixinta uga bilaabantay dalka oo dhan si nabad ah, iyadoo dadku codkooda si nabadgelyo ah u dhiibanayaan.

Dhinaca kale Komishanka Qaranka ee Dooradhooyinka,  ayaa  shaaciyay in marka goobaha codbixinta lasoo xidho gebi ahaanba hawada laga saarayo Baraha Bulshadda.

Murrashaxiinta ku tartamaya doorashadda ee saddexda Xisbi KULMIYE, WADDANI iyo UCID, ayaa horre usoo gebagebeeyay Ololaha doorashadda ee soo socday todobaadyadii u danbeeyay, waxaana hada kaabiga saaran xumada doorashada markii ay xamaasadii kaanbaynku soo dhammaatay.

Doorashadan ay ku tartamayaan saddexda murrashax ee kala ah Muuse Biixi Cabdi KULMIYE, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Ciro) WADDANI iyo Eng. Faysal Cali Waarabe UCID, waa doorashadii saddexaad ee madaxtooyadda oo Somaliland ka qabsoontay tan iyo markii ay qaadatay nidaamka geedi socodka dumquraadiyada iyo xisbiyada badan 2002.

Dadka codkooda bixinaya, ayaa kala dooranaya saddexdaa murrashax, iyadoo doorashada xiligan ee Somaliland ka xamaasad duwanayd labadii doorasho ee hore 2003 iyo 2010, taas oo sababtay in dardaaran is daba joog ah loo jeediyo murrashaxiinta iyo bulshada kaleba.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post