X
    Categories: Warar

Seneter Maraykanka Caan Ka Ah Oo Ku Baaqay In Aan Hub Laga Iibinin Dalalka Khaliijka Inta Uu Jito Khilaafka Qadar

Araweelo News Network

Seneter Bob Corker

Washington(ANN)-Seneter saamayn badan leh oo Maraykan ah ayaa sheegay in uu hor istaagi doono heshiiskii hubka lagaga gadi lahaa dalalka Carbeed ee Khaliijka tan iyo inta ay kala imanayaan “jid toosan” oo lagu xaliyo khilaafka Qadar.

Bob Corker, oo ah gudoomiyaha guddiga Senetka u qaabilsan arrimaha dibadda ayaa ka digay in waxyeello la gaarsiiyay dagaalkii lagula jiray kooxda isugu yeerta Dawladda Islaamka iyo waliba wax ka qabashadii xaaladda Iiraan.

Sacuudi Caribiya, Isutagga Imaaraadka Carabta, Baxrayn iyo Masar ayaa jaray calaaqaadkii ay la lahaayeeen iyaga oo sidoo kalana ka xirtay xadkooda dhulka iyo hawadaba, mudddo haatan laga joogo saddex toddobaad.

Waxay Qadar ku eedeeyeen in ay taageerto Argaggixisada iyo Iiraan – laakiin way diiday eedaymahaas.

Jimcihii ayaa Qadar loo soo gudbiyay 13 dalab si loo soo afjaro is mariwaaga, dalabyadaas waxaa ka mid ah in ay Albaabada u laabto warbaahinta Al Jazeera, ayna calaaqaadka u jarto Akhwaanul Muslimiinta ayna hoos u dhigto calaaqaadka ay Iiraan la leedahay.

Afhayeen u hadlay Qadar ayaa sheegay in shuruudahan ay xaqiijiyeen ” in go’doominta sharcidarrada ah aysan wax xiriir ah la lahayn la dagaalanka argagixisada – ayna tahay isku day lagu xaddidayo madaxbannaanida Qadar iyo siyaasaddeeda arrimaha dibadda”.

Xayiraadahaas ayaa qas u horseeday dalkaas shidaalka qaniga ku ah, kaas oo ku tiirsan waxyaabo loo soo dhoofiyo si ay dadkeedu u helaan adeegyada aasaasiga ah.

Qadar waxaa ku nool 2.7 milyan oo Qof.

Madaxweyne Trump ayaa markii hore sheegay in uu taageersan yahay talaabada laga qaaday Qadar, inkastoo uu dalkaasi hoy u yahay ciidammada ugu badan ee Maraykanka ka jooga Bariga Dhexe.

Laakiin Wasiirkiisa Arrimaha Dibadda Rex Tillerson, ayaa qiray Axaddii in qaar ka mid ah dalabyada ay soo gudbiyeen dalalkaasi ay dariska yihiin ay “adkaandoonto in la helo” wuxuuna ku baaqay wadahadal xal lagu gaaro.

Waraaq uu Corker u diray Tillerson Isniintii ayuu ku sheegay in uu aad ugu farxay kulankii dhawaa ee Trump uu ku tagay Sacuudi Carabiya halkaas oo uu kula kulmay Golaha Iskaashiga Khaliijka

Xisbiga Jamhuuriga ayaana lala wadaagay in madaxweynuhu uu lixda dal ee Khaliijka oo Qadar ay ku jirto uu kula heshiiyay “in ay gacan ka gaystaan yaraynt khilaaafaadka gobolka” ayna yeeshaan iskaashi wayn oo dhanka ammaanka ah”.

“Nasiib darroso dalalkii Khaliijku ma aysan ka faa’iidaysanin kulankaas ee taas badalkeeda waxay doorteen in ay khilaafka sii baahiyaan,” ayuu intaas ku sii daray.

“Dalalka gobolka oo dhan waxay u baahan yihiin in ay wax wayn ka qabtaan la dagaalanka argagixisada, laakiin murankii u dambeeyay ee soo kala dhexgalay dalalka Khaliijka wuxuu curyaaminayaa oo kali ah dadaaladii lagula dagaalamayay kooxda isku magacawda Dawladda Islaamka iyo kuwii lagu xakamayn lahaa Iiraan.

“Sababahaas daraadood waxaan u baahannahay in aan fahan fiican ka helno habka lagu xallinayo khilaafka Khaliijka soo kala dhexgalay ka hor in aanaan fasax dheeraad ah siinin hubka iyo qalabka milatari ee laga iibinayo dalalka Khaliijka.

Sharciga Maraykanku wuxuu dhigayaa in ay waajib tahay in Congresska si rasmi ah loola wadaago macluumaadka 30 maalmood ka hor inta aan dal ajnabi ah laga gadin hub, taas oo wakhti siinaysa haddii ay rabaan in hor istaagaan.

Bishii la soo dhaafay, qaraar lagu doonayay in lagu joojiyo iibka hub u dhigmo $500 milyan oo uu Sacuudiga doonayay inuu u isticmaalo dagallada Yemen ayaa si dirqi ah u guul darreystay markii ay senateka cod u qaadeen. 53 cod ayaa lagu diiday qaraarakaasi halka 47 ay u codeeyeen joojinta iibka hubka oo qeyb ka ah heshiiskii iibka hubka ee ku kacayay $110 bilyan ee uu Trump ku saxiixay magaalada Riyaad.

Xigasho: bbc

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post