Khuburada Ruushka Oo Ku Guulaystay Tallaalka Kansarka Iyo Bushaarada Saynisyahanka

#Araweelo _News _Network

Moscow (ANN)- Saynisyahanada dalka Ruushka ayaa soo saaray ikhtiraac dhanka Sayniska ah oo dunidu ku dawakhsanayd qarniyo baddan, taas oo raja gelinay malaayiin qof oo dacalada aduunka ku nool oo la dhibaataysan xannuunka Kansarku siyaabo kala duwan u asiibay iyo weliba Bulshooyinka mujtamaca aduuuka si weyn ugu riyaaqay natiijada guusha ah ee Saynisyahanada Ruushka.

Waxa la Sameeyey Tallaalka Kansarka, Si Loogu Qaybiyo Lacag La’aan dunida oo dhan, sida lagu xaqiijiyay Warbixin Ruushku waxa uu Ruushku sameeyay tallaalka mRNA ee ka hortagga kansarka, kaas oo loogu qaybin doono bukaannada kansarka si lacag la’aan ah.

Xarunta Cilmi-baadhista Caafimaadka Radiology ee Wasaaradda Caafimaadka Ruushka, ayaa si dhab ah u shaacisay innay ku guulaysatay innay soo saartay tallaalka mRNA ee ka hortagga xannuunka dilaaga Kansarka, oo dunida farabaas ku haya, isla markaana loo waayay tallaal, iyadoo ay hore u guuldaraysteen isku dayo dayo la doonayay in lagu soo saaro Tallaal lagaga hortago xannuunka Kansarka.

Wakaaladda wararka Ruushka ee TASS ayaa todobaadkan soo werisay. in Tallaalka mRNA ee ka hortagga xannuunka dilaaga ee Kansarka loo qeybin doonaa bukaannada Kansarka si bilaash ah,

Agaasimaha Guud ee Xarrunta Cilmi-baadhista Caafimaadka magaceedu yahay Radiology ee Wasaaradda Caafimaadka ee Ruushka, Andrey Kaprin, ayaa u sheegay Radio Rossiya in Tallaalka loo sameeyay iyadoo lala kaashanayo dhowr xarumood oo cilmi baadhis ah waxaana la filayaa in loo sii daayo isticmaalka dadweynaha horraanta 2025.

Tijaabooyinka caafimaad ee tallaalka ka hor ayaa muujiyay in uu xakameeyo horumarka burooyinka iyo dheecaanada unugyada “metastaseska” inta suurtagalka ah, sidaa  waxa u sheegay Wakaaladda TASS, Agaasimaha Xarunta Cilmi-baadhista Qaranka ee Gamaleya ee Epidemiology iyo Microbiology Alexander Gintsburg.

 

Muxuu Yahay  Tallaalka Cusub ee mRNA?

Khuburada Saysinska ee Ruushka waxa ay sheegeen in Tallaalka mRNA ama Messenger-RNA ay isticmaalaan qaybo gaar ah oo ka mid ah wakiilka caabuqa Unugyada ee sida borotiinka, sonkorta, ama dadhaarka. Tallaalka mRNA waxa uu fariin siiya unugyadeena si ay u sameeyaan borotiin ama xitaa qayb ka mid ah borotiinka oo la mid ah kuwa fayraska. borotiinku wuxuu markaas kiciyaa jawaab celin difaac jidhkeena gudihiisa ah. ayuu khabiirka Sayniskyahanka Ruushka ee xarrunta ( the Russian Academy of Sciences.) soo saartay daraasadda lagu guulaystay ee natiijadeedu sida weyn u soo jiidatay Bulshada Caalamka.

Maxay ka caawin kartaa abuurista Talaalka Kansarka ee gaarka ah.

Mar sii horaysay, waraysi uu siiyay TASS, Mr Gintsburg wuxuu ku sheegay in isticmaalka shabakaddaha neerfaha ee macmalka ah ay hoos u dhigi karaan muddada xisaabinta ee loo baahan yahay si loo abuuro tallaalka Kansarka shakhsi ahaaneed si loo yareeyo waxyeelada muddo saacad ah.

“Hadda waxay qaadataa waqti dheer in la dhiso tallaalada gaarka ah,  sababtoo ah xisaabinta sida tallaalka, ama mRNA la habeeyey, waa inuu u ekaado isticmaalka hababka matrixka, marka loo eego xisaab ahaan. Waxaan ka qayb qaadanay Machadka Ivannikov kaas oo ku tiirsanaan doona (AI)sirdoonka macmalka ah si loo helo sameynta xisaabtan, oo ah xisaabinta shabakadda neerfaha halkaasoo nidaamyadani ay qaadanayaan qiyaastii nus saac ilaa saacad, “ayuu yidhi madaxa tallaalka ee Ruushka. sida laga soo xigtay TASS.

In kasta oo horumar la yaab leh laga sameeyay kansarka, haddana waxa ay ku sii ahaanaysaa caqabad weyn oo caafimaadka dadweynaha Maraykanka iyo adduunka oo dhan.

Dalka Maraykanka, qiyaastii 2,001,140 xaaladood oo cusub oo Kansar ah ayaa la ogaan doonaa sanadka 2024, waxaana la saadaaliyay in  611,720 qof ay u dhiman doonaan cudurka, sida ay sheegayaan daraasadii u danbeeyay ee guddaha dalka Maraykanka oo ah ka haysta rikoodhka bukaanada ugu baddan ee Aduunka, iyadoo daraasaddaha qaarkood sheegayaan in qiyaasta la sameeyay dalka Maraykanka sanadkii 2023, in torada ay gaadhay 1,958,310, iyadoo isla sanadkaa 2023 ay u dhinteen dalka Maraykanka oo keliya 609,820.

Ruushka ayaa leh Khuburo dhanka Sayniska ee Biology, ayaa isku hawla dib u soo celinta jihada sayniska ee cudurada faafa iyo sidii xal loogu heli lahaa, iyagoo ku hawlan daraasadda hababka molecular ee isdhexgalka u dhexeeya bakteeriyada pathogenic iyo jidhka bini’aadamka, waana sababta keentay guusha Khuburada Sayniska ee Ruushka.

Sidoo kale,  xarrumaha Sayniska ee Ruushku waxay  isku hawlaan sidii ay dunida ugu soo kordhin lahaayeen dawooyin cusub iyo Tallaalo lagula tacaalayo xannuunada dunidu u taagweydo ee faafa iyo dawooyin, iyadoo taas beddelkeeda Khuburada reer galbeedka ee dhanka Biology, ku hawlan yihiin waxyaabo lid ku ah Nollosha Bini’aadamka sida dhacday 2019, markii dunida lagu faafiyay fayriskii loo caalwaayay ee COVID-19, kaas oo ahaa mid ay sameeyeen khuburada dhanka Biology, ee reer galbeedka, wallow ay ku eeddaynayeen inuu sabab u ahaa Shiinuhu.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com