X
    Categories: Warar

Sarkaal Sare Oo Lagu Dilay Muqdisho

Araweelo News Network


Mogadishu(ANN)Koox hubeysan ayaa degmada Dharkeynleey ee magaalada Muqdisho ku dilay sarkaal sare oo ka tirsanaa dowladda Federaalka ee Somalia.

Col. Maxamed Cismaan oo ka mid ahaa saraakiisha xabsiga dhexe ee Muqdisho, ayaa toogasho lagu dilay. kadib markii Koox aan la aqoonsan tiradooda iyo kuwa ay yihiin oo ku hubaysan Bastoolado ay ku weerrareen halkaa sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah.

Dadka ka dhowaa goobta dilku ka dhacay, ayaa sheegay in kooxda dablayda ah ee fuliyay weerrarka ay goobta ka carareen ka hor intii aanay soo gaadhin ciidamada amaanku.
Ma jirto dilkaa cid sheegatay, balse waxa la rumaysan yahay inay kooxda Al-shabaab ee ugaadhsada Madaxda dawlda Federaalka iyo saraakiisha xukuumadda Somalia ka danbeeyeen weerrarkaa.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post