X
    Categories: Warar

Sarkaal Sare Oo Lagu Dilay Marinka Baabul-mandab Ee Yemen Iyo Qarax Lala Beegsaday Ciidamo

Araweelo News Network

Yemeni Houthi Ansarullah fighters, dressed in army fatigues, march in a parade during a gathering in the capital Sana’a on January 1, 2017. (Photo by AFP)

Taiz(ANN)- Wararka ka imanaya Dalka Yemen ee dagaaladu ka socdaan, ayaa sheegaya in Hoggaamiye sare oo ka tirsan Melleteriga Ciidanka Dalka Yemen ee ay taageeraan Dalalka Khaliijku lagu dilay dagaallo culus oo ka dhacay marin-biyoodka Baabul Mandeb ee dhaca Koonfur Galbeed xeebaha Yemen.

Sida uu shaaciyay Telefeshinka Afka Carabiga ee Al Jazeera Weerar ay qaadeen Maleeshiyaadka Xuutiyiinta oo ay is xulufaysanayaan Ciidamo taabacsan Madaxweynii hore ee Yemen Cali Cabdalla Saalax, ayaa lagu dilay Jeneraal Cumay Subeyxi oo ahaa Taliyaha guutada 3-aad ee melleteriga Yemen. Kadib markii ciidamada Yemen ee Madaxweyne Cabdirabbo Mansuur Al-Haddi oo ay taageeraan dalalka xulufada Khaliijku ku dhawaaqeen duullaan melleteri oo ay Maleeshiyaadka shiicada ee Xuutiyiinta doonayeeninay kaga Xoreeyaan Marin biyoodka Baabul Mandab ku qaadeen halkaa.

Dhinaca kale Wararka ka imaanaya wadanka Yemen, ayaa sheegaya in qarax ka dhacay gobolka Abyan lagu dilay ugu yaraan 8 Askari oo ka tirsanaa ciidamada xukuumadda Cabdirabbo Mansuur Al-Haddi ee Yemen oo taageerada ka helaysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in qaraxu uu haleelay goob ay ku sugnaayeen ciidamo tababar usoo gaba gaboobay waxaana jira dhaawacyo gaadhay illaa iyo 15 Askari.

Xukuumadda Sucuudiga iyo xulufada ay hogaaminay oo weerraro duqaymo ah ka waday dalkaa labadii sanadood ee u danbeeyay, ayaa dhowaan hakiyay duqaymaha dhinaca circa, kaddib markii canbaarayn caalami ah loo jeediyay. Iyadoo aanay waxba iska bedelin xaalada sii xumaanay ee dalka Yemen, kadib markii ay dib u bilaabeen duqaymahaa oo galaaftay nolosha malaayiin shacab ah oo u badan haween iyo caruur.

Dalka Yemen oo noqday goob dagaal oo ay ku loolamaan Sucuudiga oo xulufo la ah dalalka Khaliijka iyo dalka Iran oo taageera xuutiyiinta ay Cali Cabdale xulufada yihiin, iyadoo Xulufada Madaxweynihii hore dhowaan dawlad iskood uga dhiseen halkaa, balse arrintaa ayaa sii murgisay xaalada oo aan waxba ka bedelin, wuxuuna dalka Yemen waajahay dhibaatooyin colaado sii murgaya, dhibaatooyin dhaqaale iyo kuwo dhinaca amniga ah mudadii uu duqaynta ka wadeen xulufada Sucuudigu gudaha dalka Yemen.
Dhinacyada siyaasadaha ku loolamaya ee iskaga soo horjeeda Dalka Yemen, ayaa sii murgiyay xaalada dalka, iyadoo aanay muuqan waxa natiijo ah oo laga gaadhay dagaalka Yemen, isla markaana aanay jirin rajo laga qabo in xaalada dalka Yemen aanay wax iska bedeli, isla markaana dagaalka iyo duqaymaha socdaa ee diyaaradaha xulufada Sucuudigu sababeen dhimashada kumanaan qof oo u badan Caruur iyo Haween iyo kumanaan qoxooti ugu baxay dalalka Bariga Afrika.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post