X
    Categories: Warar

Sarkaal Lagu Eeedyay Inuu Al-shabaab U Qaabilsanaa Hawlgalada Lagu Khaarajiyo Suxufiyiinta Oo Laga Soo Qabtay Dalka Kanya

Nairobi(ANN)Sirdoonka Dawlada Somalia oo kaashanaya Sirdoonka Dalka Kanya, ayaa gacanta ku dhigay Nin lagu eedeeyay inuu Al-shabaab u qaabilsanaa hawlgalada lagu khaarajiyo Suxufiyiinta Somalia ee lagu dilo Muqdisho.
Sarkaalkaa oo Magaciisa lagu sheegay Xasan Xanafi Xaaji, waxay sirdoonka Somalia kasoo qabteen gudaha Dalka Kanya, kaas oo lagu soo bandhigay muuqaalkiisa magaalada Muqdisho, isla markaana Saraakiisha Hay’adda Nabad sugidda, ayaa sheegay inay soo qabashada ninkaa gacan ka siiyeen Sirdoonka Dalka Kanya.
Sida uu warbaahinta u sheegay Afhayenka Wasaaradda Amniga Qaranka Maxamed Yuusuf Cismaan, waxa ninka la qabtay oo lagu magcaabo Xasan Xanafi la horgeyn doonaa Ha’addaha sharciga, isagoo sheegay inuu ku eedaysan yahay shirqoolo uu soo maleegay oo dhowr ah, kuwaas oo sida uu sheegay lagu dilay wariyeyaal ay ka mid ahaayeen Allaha u naxariistee Mahad Axmed Cilmi, Sheekh Nuur Maxamed Abkey, Saciid Tahliil, Muqtaar Maxamed Hiraabe iyo Suxufiyiin kale oo dhamaantood laggu khaarajiyay Magaalada Muqdisho sanadihii u danbeeyay.
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post