X
    Categories: Warar

Muqdisho: Weerarada Qorshaysan Oo Sii Baddanaya Iyo Dilalkii U Danbeeyay

Mogadishu(ANN)Weerarada qorshaysan ee lala beegsanayo saraakiisha Dawlada iyo Mudanayaasha Baarlamaanka Somalia, ayaa sii baddanaya, isla markaana muujinaya in xaaladu faraha kasii baxay, weeraro is daba joog ah iyo dilal qorshaysan ayaa si xidhiidh ah uga socday Magaalada Muqdisho 24 saacadood ee u danbeeyay.

Guddoomiye Xigeenkii Degmada Hawlwadaag ee Gobolka Banaadir Yuusuf Nuur Hilaal, ayaa goor dhowayd lagu khaarajiyay weerar qorshaysan oo ay la beegsadee, isagoo marayay wadada, isla markaana wata gaadhigiisa.
Lama aqoonsan Dablayda weerarka ku khaarajisay sarkaalkaa oo ka baxsaday halkaa, balse Al-shabaab ayaa sheegatay weerarkaa oo ahaa weerarkii Afraad ee inta la ogyahay 24 saacadood ee u danbeeyay ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxayna weeraradu soo kordhayaan xili uu khilaaf weyni u dhexeeyo Madaxweynaha iyo Raysal Wasaaraha Somalia.
Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post