X
    Categories: Warar

Sarkaal Lagu Dilay Laascaanood

Laascaanood(ANN)-Dablay aan la aqoonsan tiradooda iyo haybtooda, ayaa toogasho ku dilay Caawa Fiidkii Taliyihii Ciidanka Baadhista Denbiyada Gobolka Sool Cabdiqani Guhaad xilli uu ku sugnaa gurigiisii.


Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha iyo masuuliyiinta sare ee Xukuumadda Somaliland, balse wararka shebekadda Araweelo News Network, ka heshay dadka deegaanka ayaa sheegaya in abbaaro Sagaal Fiidnimo ee Caawa koox Dablay ah oo aan la aqoonsan Maarxuumka ku toogteen xilli uu ku sugnaa Gurigiisa hortiisa.

Kooxda geysatay dilkaa ayaa markii ay fuliyeen dilka ka baxsaday goobta, halkaas oo ay goor dambe soo gaadheen Ciidamada Booliska ee magaalada Laascaanood.

Dilka Sarkaalka ka tirsan Ciidanka Baadhista Denbiyada Somaliland, ayaan la ogayn sababta keentay, waxayna arrintan kusoo beegantay markii horaantii bishan March 2020, Qarax ka dhacay Magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, sababay geerida Gudoomiyihii Maxkamadda gobolka Xasan Sheekh Maxamuud, kadib markii qarax lala beegsaday gaadhigiisa.

Magaalada Laascaanood, ayaa tobban sannadood ka hor caan ku noqotay qaraxyo iyo dilal qorshaysan oo ay fuliyaan kooxo aan la aqoonsan, kuwaas oo lala beegsan jiray Masuuliyiinta Somaliland ee ku sugan halkaa ee haya xilalka Hay’addaha Dawladda.


Balse 2010, lasoo afjaray dilalka qorshaysan iyo qaraxyada muddada dhawrka sannadood ah ka socday Magaalada Laascaanood, kuwaas oo wiiqay amniga magaalada iyo sidii horuram loogu samayn lahaa bulshada, isla markaana adeegyadii aasaasiga ahaa ee bur-buray loo soo celin lahaa, waxayna xukuumadda Somaliland xilligaa si weyn gacanta ugu dhigtay amaanka magaalada iyo in la gaadhsiiyo nidaamka maamulka, isla markaana waxa wax badan laga qabtay adeegyada aasaasiga ah, iyadoo ay meesha ka baxday fawdadii iyo cabsidii dhanka amniga ee ay sababeen qaraxyada iyo dillalka qorshaysan ee sannada ka socday Laascaanood.

AKHRI: Qarax Galaaftay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Sool

Hase yeeshee qaraxyo iyo dilal qorshaysan, ayaa mar kale ka dhacay horraantii sannadkan iyo labadii sannadood ee u danbeeyay, kuwaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac, waxaana xusid mudan qaraxii horaantii Jan 2020, lala beegsaday Saldhiga Booliska Laascaanood.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post