X
    Categories: Warar

Sarkaal Lagu Dilay Badhatmaha Magaalada Boosaaso

Boosaaso(ANN)Dablay Hubaysan oo aan tiradooda la aqoonsan, ayaa badhtamaha magaalada Boosaaso ee maamul goboleedka Somalia ee Puntland ku toogtay Sarkaal lagu magcaabi jiray Yuusuf Jaamac Saalax (Caga-laash).
Sida ay sheegayaan wararka ka minaya Magalaada Boosaaso Saraalkaa oo ka tirsanaa ciidanka Deni-baadhista maamulka Puntland, ayaa lagu toogtay agagaarka Masjid-Nuur ee Magaalada Boosaaso.

Booliska ayaa goobta soo gaadhay, iyadoo kooxdii dilka fulisay goobta ka baxsaday, kuwaas oo aan la ogayn tiradooda iyo ujeedada la xidhiidhay inay toogasho ku dilaan sarkaalkaa.
Magaalada Boosaaso iyo Deegaamada u dhow waxa marar baddan ka dhaca dilal sidan oo kale ah iyo weeraro ay isku waajahaan ciidanka Puntland iyo Malayshiyada Buuralayda Kulaalaya Boosaaso ee Al-shabaab, kuwaas oo marar baddan guddaha magaalada ka fuliyay hawlgalo maxaabiis lagu soo furanayo iyo weeraro lagu qaado goobo cayiman, ama saraakiil weeraro qorshaysan lagu bar-tilmaameedsado, waxayna weerarada iyo hawlgalada Al-shabaab ee Boosaaso shaki geliyeen amaanka magaalada Boosaaso, balse Madaxweynaha Maamul Goboleedka Somalia ee Puntland, Cabdiweli Gaas, ayaa sheegay inay wax ka qabanayaan dhinaca amaanka, isagoo dhowaan isku beddel ku sameeyay maamulka iyo Hay’addaha amaanka ee Boosaaso. Laakiin arrintaa ayaan waxba ka beddelin xaalada amaanka.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post