Hargeysa(ANN)-Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, Eng Ciise Axmed Yuusuf (Xawar) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Wasaaradda gaashaandhiga Britain u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Colonel Matt Munro oo fadhigiisu yahay Dalka Ethiopia.
Colonel Matt Munro, oo ay weheliyaan madaxa xafiiska Ingriiska ee Somaliland Stuart Brown, iyo madaxda hayada Axiom Lain Cholerton, Samir Dualeh, ayaa kulan gaar ah oo saacado qaatay la yeeshay Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland iyo saraakiil kale oo ka mid ah Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland.
Ma cadda ujeedada socdaalka Saraakiisha ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Britain iyo waxyaabaha lagaga hadlay kulankaa oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, balse qoraal kooban oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaanshiga Somaliland, ayaa lagu sheegay in ujeedada socdaalka Wasaaradda Gaashaandhiga Britain la xidhiidhay sidii kor loogu qaadi lahaa xidhiidhka labada dal ee dhanka ciidamada iyo xoojinta taageerada uu ingriisku siiyo Somaliland.
Sarkaalka ka socday Briatin, ayaa sida lagu sheegay qoraalka soo kormeeray dhismaha Cusbitaalka Ciidanka Qaranka Somaliland oo dhismihiisu sicdo iyo qaybaha kala duwan ee Cusbitaalka hore oo ay soo indho indheeyeen bukaanada kala duwan ee lagu dawaynayo.
Booqashada Sarkaalka ka socda Britain, ayaa u muuqataa mid xidhiidh la leh todobaadyo kadib markii 6January 2019, uu booqasho ku yimi Somaliland Xoghayaha difaaca dawladda Ingriiska Mr. Gavin Williamson, wuxuuna kulamo la yeeshay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland, iyadoo kulamadaa oo Albaabada loo xidhay ay ahaayeen kuwo lagaga hadlay xidhiidhka labada dal ee Somaliland Iyo Britain sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.
Dawladda Britain, ayaa xidhiidh dhow la leh Somaliland oo Boqortooyada Ingiriiska xoriyadeeda ka qaadatay 26 Jun 1960-kii, waxayna Dawladda Britain si weyn uga qayb qaadataa mashaariicda dhanka horrumarka ee Somaliland oo ay door weyn ka cayaarto.
Akhri: Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Xoghayaha Difaaca Dawladda Britain