X
    Categories: Warar

Saraakiil ka Tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya oo Lagu Dilay Muqdisho

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)Kooxo hubaysan ayaa toogasho ku dilay sarkaakiil ka tirsanaa ciidammada sirdoonka dawladda Soomaaliya, kadib markii ay weerar ku qaadeen baabuur ciidankaasi wateen oo marayey badhtamaha magaalada Muqdisho habeennimadii Arbacada.
Sidoo kale, waxa weerarkaas ku dhaawacmay saddex askari oo ka mid ah Nabad-sugidda Soomaaliya sida ay saxaafadda u xaqiijiyeen masuuliyiinta maamulka degmada Huriwaa ee magaalada Muqdisho.
Kooxaha hubeysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay inay gaadhiga ciidanka Nabad-sugiddu la socdeen ku hor-jareen baabuur ay wateen, kaddibna rasaas badan ku furay.
Qoraal Al-shabaab ku baahiyeen baraha ay ku leeyihiin internetka waxay ku sheegteen inay weerarkaas ku dileen shan sarkaal oo ka tirsanaa ciidammada sirdoonka dawladda Soomaaliya, tiro kale oo intaas ka badanna ku dhaawaceen.
Hase ahaatee masuuliyiinta maamulka Muqdisho ayaa sheegay inuu weerarkaas kaga dhintay hal askari oo keli ah, “Weerarkaas waxa ku dhintay hal askari oo ciidammada Nabad-sugidda ka tirsanaa, saddex qof oo laba shacab yihiinna way ku dhaawacmeen.” Sidaa waxa yidhi Xoghayaha Maamulka Degmada Huriwaa oo u warramay mareegta HOL.
Weerarka lagu dilay saraakiisha ka tirsanaa sirdoonka dawladda ayaa ku soo beegmay waqti maamulka taagta daran ee Soomaaliya ku dhawaaqay inay adkaynayaan ammaanka caasiimadda Muqdisho inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa weerarro toos ah iyo kuwo qorsheynsan ka fuliya degaannada kala duwan ee dawladda Soomaaliya ka taliso, waxaanay weerar khasaare badan geystay ku qaadeen hudheelka Ambassador ee magaalada Muqdisho oo lagu dilay dad badan oo ay ku jireen xildhibaanno baarlamanka ka tirsanaa toddobaadkii hore.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post