X
    Categories: Warar

Saraakiil Al-shabaab Ah Oo Ka Baxsaday Xabsiga Muqdisho Iyo Kuwo Weerarka Lagu Dilay

Araweelo News Network

Muqdisho(ANN)-Masuuliyiinta Xabsiga dhexe ee Magaalada Muqdisho, ayaa shaaciyay sida ay ku bilaabantay dhacdadii weerarka ee dhexmartay maxaabiista iyo Askarta Ilaalada xabsiga.

Taliska ciidanka asluubta ayaa sidoo kale sheegay in afar ka mid ahaa saraakiisha xabsiga ay dhinteen, mid kalena uu dhaawac soo gaadhay, walaw shalay markii weerarku dhacay la sheegay in 12 maxaabiis ay dhimasho iyo dhaawac noqdeen, balse ay jiraan dhaawacyo. soo gaadhay Ilaalada xabsiga.

Balse Ilo dhinaca amniga ah oo ay soo xigatay Idaacada VOA. Laanteeda Afsoomalaiga, ayaa sheegtay 15 maxbuus ku dhinteen weerarkaa, isla markaana ay ku dhaawacmeen 7 kale.

Maxaabiista ku dhintay weerarka, waxa ka mid ahaa Mubaarak Ibraahim Iidle oo ka mid ahaa maxaabiista xabsiga, isla markaana la xukumay 2014, kaddib markii lagu xukumay toban sannadood oo xabsi ah uu ahaa maxbuuska keliya ee inta la ogyahay ka baxsaday xabsiga markii ay rabshadu dhacday.

Maxuuska baxsaday Mubaarak ayaa la sheegay inuu Al-Shabaab ku biiray 2012-kii, waxaana uu muddo kasoo tirsanaa Al-Shabaabta ka dagaalanta buuraha Golis. Ciidamada amniga ayaa sheegay inuu dilay laba qof bannaanka xabsiga joogay markii uu sii baxsanayay.

Dhinaca kale, waxa jira xoggo kale oo kasoo baxaya Maxaabiista, kuwaas oo sheegaya in kuwa lagu dilay weerarkii shalay ay ku jireen Ibraahim Maxamuud Maxamed oo ku xukunnaa 15 sannadood iyo Maxamed Daa’uud Dirir oo ku magac-dheeraa Dr. Raage oo ku xukunnaa 15 sannadood, isla markaana la sheegay in uu hore uga tursanaa Al-Shabaab balse markii dambe ku biiray Daacish.

AKHRI: Dagaal Khasaare Sababay Oo Ka Dhacay Xabsiga Dhexe Ee Muqdisho Iyo Xukuumadda Oo Ka Hadashay

Saraakiisha Ciidanku waxay sheegeen in xaaladda xabsiga ay sideedii hore kusoo noqotay. Iska horimaadka ayay ku macneeyeen inuu dhacay kaddib markii maxaabiistu ay hub gacanta ku dhigeen, isla markaana ay weerareen ciidamadda xabsiga.

Taliyaha ciidanka asluubta Jeneraal Mahad Cabdirahman waxa uu sheegay in maxaabiistu ay laba qori ka qaateen laba askari oo ay dileen. Saraakiil dhinaca amniga ah, waxay sidoo kale Idaacadda VOA, laanteeda Afsoomaaliga u sheegeen in maxaabiistu heleen bastoolado iyo bambooyin, kaddibna uu sidaa ku bilaabmay dagaalka ka dhacay xabsiga dhexe.

Dhinaca kale, ku simaha Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Garyqaan Mahdi Guuleed, isla markaana ah ku xigeenka ra’iisal wasaaraha, ayaa guddi u saaray dhacdada weerarkaa iyo wixii sababay.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post