X
    Categories: Warar

Saraakii Uu Ku Jiro Taliyihii Amaanka Gaalkacayo Iyo Saraakiil Kale Oo Ku Dhintay Qarax Sababay Khasaare Ballaadhan

Araweelo News Network

Gaalkacayo(ANN)-Taliyihii ciidammadda isku dhafka ee gobolka Mudug Gaashaanle Sare Cabdi Xukun Cabdullaahi Maxamuud (Xoreeye). Iyo saraakiil kale, ayaa ku dhintay qarax goor dhowayd  ka dhacay magaalada Gaalkacyo,

Sidoo kale waxaa qaraxa ku dhintay sarkaal kale oo ka tirsanaa ciidammadaasi militariga ah, Cabdiqani Axmed Geyre, waxaana Ilaa ina  la xaqiijiyay ku nafwaayay seddax Askari Iyo dad shacab ah oo aan weli taradooda Dhabta  ah la ogayn.

Qaraxaa  ayaa dhacay kadib markii qof  Isku soo xidhay waxyaabaha qarxa la beegsaday qaraxaa goob makhaaxi Shaaha laga cabo oo ay xiligaa ku sugnaayeen saraakiishaa Iyo dad kale oo shacab ah.

Dhinaca kale sida uu xaqiijiyay wasiirka amniga gudaha ee Maamul goboleedka Puntland Axmad Cabdullaahi Yusuf, seddax qof oo mid ka mid ah ay dumar tahay ayaa ku dhaawacmay qaraxa, wuxuuna isagoo sharaxaya Qaraxaa yidhi, “Wuxuu ahaa Nin xidhan waxyaabaha qarxa. Wuxuu u yimi ciidanka oo maqaaxi shaah ka cabanaya, hawl maalmeedkoodana ku jira. Halkaas buu isku qarxiyay, waxaana dhibaatadan geystay dadka nabad diidka ah” Ayuu yidhi.

Ururka Al-Shabaab, ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaa lala beegsaday saraakiisha ciidamada Amaaanka  oo ah kuwa isku dhafka ah ee loo sameeyay Gaalkacayo, kuwaas oo ka kooban Askar laga kala keenay maamullada Puntland iyo Galmudug oo si wada jir ah uga howlgala magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo muddadii ay Jireen ay yaraadeen sida uu sheegay wasiirka amniga Maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post