Araweelo News Network
Barlin (ANN)- Dadka qaxoontiga ah ee galay dalka Jarmalka ee Qaaradda Yurub sannadkii tagay, ayaa la kulmay tiradii ugu badnayd ee weerraro loo gaysto waddankaasi.
Warbixin ka soo baxday Wasaaradda Daakhiliga ee dalka Jarmalka ay baabiyeen wakaaladaha wararka ee caalamku , ayaa shaacisay in inka badan 2,500 qof oo qaxoonti ku ah dalka Jarmalka la weeraray sannadkii tagay ee 2016, taas oo kor u qaaday ammaanka dadka ka soo yaacaya colaadaha iyo dhibaatooyin kale ee iska dhiibaya dalkaasi iyo guud ahaan qaaradda Yurub.
Wasaaradda Daakhiligu waxay sheegtay in booliska Jarmalku diiwaagneliyey in ka badan 3,500 dhacdo oo weerar lagula kacay dad qaxoonti ah ama loo gaystay guryaha ay degan yihiin sannadkii hore, taas oo ka dhigan in 10 ficil oo weerar ahi ay wheel u noqdeen mujaahiriinta ku sugan Jarmalka maalin kasta.
War ka soo baxay dawladda Jarmalka Axaddii waxa lagu sheegay in weerraradaasi ka dhanka ah qaxoontigu sababeen dhaawaca 560 qof oo ay ku jiraan 43 carruur ahi.
“Dadka ka soo qaxay dalalkoodii hooyo ee raadinaya gabbaad ee ku sugan Jarmalku waxay xaq u leeyihiin inay rajeeyaan guryo ammaan ah,” ayey ku tidhi Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jarmalku qoraalkeeda sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AFP oo wargeyska Jamhuuriya soo xigtay xalay.
Mid ka mid ah weerraradaasi waxa qofkii gaystay oo aaminsan fikradihii Nazi-ga lagu xukumay siddeed sanno oo xadhig ah bishii February ee sannadkii hore, kadib marki uu dab qabadsiiyey xarun ciyaareed oo hoy looga dhigay dad qaxoonti ah, iyadoo falkaasi sababay khasaare lacageed oo dhan $3.7 milyan (saddex milyan iyo toddobada boqol kun oo dollar).
Sidoo kale, mid ka mid ah ficillada laga yaxyaxay ee soo maray Jarmalka sannadkii hore waxa uu ahaa kadib markii koox cunsuriyiin u dhashay dalkaasi ay farxad iyo qaylo dabbaaldeg ah ka ag bilaabeen dhisme ay deganaayeen dad muhaajiriin ahi oo gubanayey waqtigaasi, kaas oo halkii ay uga gurman lahaayeen ku oriyeen.
Ulla Jelpke oo ah xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Jarmalka, waxay masuuliyadda weerraradan dusha ka saartay xisbiga midigta fog ee dalkaasi, waxaanay ugu baaqday dawladda inay tallaabo adag ka qaado arrintan.
“Waxaynu arkaynaa ugu yaraan in 10 weerar ay dhacayaan maalintii. Dadku ma inay dhintaan baa ka hor inta qalalaasaha garabka midig loo tixgelinayo inay xudun u tahay dhibaatooyin ammaan ee gudaha Jarmalka ee laga dhigayo mid meel sare kaga jira ajandaha siyaasadda Qaranka,” ayey tidhi Xil. Ulla.
Dambiyada cunsuriyadda salka ku haya ee dalka Jarmalka iyo guud ahaan Qaaradda Yurub, ayaa tiradoodu si wayn ugu sii badanaysaa marba marka ka dambaysa, iyadoo Jarmalku uu martigeliyey qaxoontigii ugu badnaa ee gala qaadda oo tiradoodu dhan tahay 890,000 qof sannadkii 2015, halkii tirada gashay sannadkii hore ee 2016 ay ka ahayd 280,000 qof.