X
    Categories: Warar

SAGALJET: Shirkad Horumar ku gaadhay Hogaan & Hawl-wadeeno lagu majeerto

Araweelo News Neteork

Hargeysa(ANN)-Odhaah baa tidhaahda “dedaala xaaji cabaas wuu gaadhi karaa, ama dhaafi karaa” waa hal-hays loo nisbeeyo nidaam kastoo horumar gaadha, isla markaana, lagu hoga-tusaalaynayo inta dhigiisa ah & guud ahaan bulshada inay kaga deydaan hiigsigooda la mahadiyey.

Hadaan u soo laabto mowduuca cinwaankiisu sare ku xusan yahay, waxa xalay qabsoomay madal kulmisay mudanta bulshada reer Somaliland intii fursada u heshay kaga markhaati kacday horumar dhinac-walba oo sannado aan badnayd ku gaadheen shirkada daabacaadaha casriga ah ee SAGALJET, ka markii ay buuxiyeen asbaabaha furaha u ah inaad gaadho horumar lagu tanaado, sida hogaan aragti-dheer, hawl-wadeeno u diyaarsan gudashada xilkooda iyo goob ku haboon adeegyada ay macaamiishooda u hayaan.

Marka laga yimaado ka markhaati-kaca intii nasiibka u heshay in la maqlo weedhahooda, waxaan muran ku jirin in shaqsi kastoo la weydiiyo astaanta SAGALJET, ku sifaynayo aragtidiisa inuu siduu ugu khushuucay adeegooda uu intifaacsaday ama bulshada inteeda kale uu ku arkay.

Hogaamin waxa lagu sifeeyaa xirfad ku jihaysa dadka inay wadajir ku gaadhaan natiijo, aan la’aanteeda suurtowdeen, haddaba, waxa la odhan karaa, hogaaminta wanaagsan waa muftaax muhiim u ah horumar shirkadu gaadho, si koobana halkan waxaynu odhan karnaa horumarka shirkada SAGALJET waxay bogaadinteedu u laabanaysaa madaxdeeda ugu horeeyo Mr. Cabdi Yuusuf Aar, Agaasimaha Fulinta ee shirkada SAGALJET, waxaanan leeyahay, haka daalin hadafkaaga hiigsiga halka ugu saraysa inaad u horseedo hawl-wadeenadaada.

Maamul ama bulsho caafimaad-qabta waxay u baahan tahay hirgelinta qodobadan, keliya inaanay sii waarin balse, u sii horumartaba:

Yool- lagu soo koobi karo xushmaynta iyo qiimaynta macaamiishooda, maadama ay yihiin ishooda jiritaan.
Waajibaad-lagu soo koobi karo inay ku gaadhaan madaxbanaani dhinaca aqoonta iyo cadaalada ah.
Aragti-lagu soo koobi karo inay ku xaqiijiyaan maamul-wanaag loo marayo hawl-wadeeno ku haboon iyo nidaam loo marro.

Abdi Yusuf Aar


Waxaan hambalyo leeyahay Saleebaan Axmed Cabdillaahi oo ku guulaystay abaalmarinta hawl-wadeenka Sannadka ee shirkada SAGALJET (employee of the year), taasoo uu ku mutaystay dedaalka iyo hufnaanta uu muujiyey, sida uu u qirayo Mr. Cabdi Yuusuf Aar, Agaasimaha Fulinta shirkada, kuna tilmaamay hogaamiye soo kacaya. Waxaan sidoo kale kula dardaarmayaa dhamaan hawl-wadeenada shirkada inuu qof walba isu-hayo maamuusida abaalmarintan iyo kuwo kaleba haduu naftiisa u diyaariyo hiigsigeeda, sidii halhayskii ahaa “Dedaalaa Xaaji-Cabaas wuu gaadhi karaa” hadaad ku sifowdaan daliilada kooban ee loo asteeyo hanashadeeda.

Gebagebadii waxaan kaga bixi lahaa, “Guushaada waa lala jiraa, ee gaar haka ahaanin” waxaan u soo jeedinayaa maamulka ugu horeeyo Agaasimaha Fulinta Mr. Cabdi Yuusuf Aar, Hawl-wadeenadooda iyo guud ahaan bulshada intifaacsata adeegyadooda inay wadajir u ilaashadaan guulaha la mahadiyey ee shirkada SAGALJET ku talaabsatay, maadama ay yihiin intifaac dhamaantooda inay ilaashadaan mudan, Ilaahay ha idinla qabtee.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post