X

Sagaal Qof Oo Soomaali Lagala Baxay Uur-ku jirta Beerka Iyo Kelyaha Oo Maydadkooda Laga Helay Xeebta Masar

Araweelo News Network

Alexandria(ANN) Maydadka Sagaal qof oo Soomaali ah, ayaa laga helay Xeebta dalka Masar ee Magaalada Andalusia, kuwaas oo dhamaantood lagala baxay beerka iyo kelyaha, kadibna dib loo tolay oo lagu daadiyay halkaa.
Booliska Dalka Masar, ayaa dhacdadaa maalmihii lasoo dhaafay shaaciyay, iyagoo sheegay in la baadhayo sababta falkaa arxandarada ah loogu fuliyay dadkaa Soomaalida ah oo isgu jira caruur yar yra iyo dad waaweyn oo ay ku jirto Hooyo dhashay dhawr caruur ah oo ka mid ah dadkaa.
dadka lagala baxay Beerka iyo Keliyaha ayaa ka mid ahaa sida ay wararku sheegayaan dadka Soomaalida ee inta baddan dalka Masar doonaya inay usii dhaafaan dhinaca dalalka Yurub, waxaana la aqoonsaday dadkaa Soomaalida ah, iyadoo ay jiraan warar sheegaya in ay dad kale la kulmeen falalka noocan ah dalka Masar

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post