X
    Categories: Warar

Safiirka Dawladda Britain U Fadhiya Dalka Ethiopia Ambassador David Concar Oo La Kulmay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland

Araweelo News Network

Kulanka Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo safiirka Uk Ee Ethiopia Photo File 25 Nov 2017 Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Safiirka Dawladda Britain u fadhiya Dalka Ethiopia Ambassador David Concar oo ay weheliaan madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper, ayaa la kulmay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.

Kulnkaa oo maanta ku qabsoomay xarunta KDQ oo ay ku wada yeesheen Guddida KDQ iyo Safiirka UK Ethiopia u fadhiaya David Concar oo ay wehelinaysay madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, ayaa lagaga hadlay arrimo badan.

Sida ay sheegeen, warbixin kooban oo lagu shaaciyay kulankaa kadib Website-ka Komishanka Qaranka ee Slnec.com. kulanka, ayaa lagaga wadda hadlay qaabkii ay u dhacday Doorashada ka dhacday Somaliland Isniintii 13 Nov 2017, wuxuuna Ambassador David Concar ku hambalyeeyeen KDQ sida ay u qabsoontay Doorashadu iyo natiijadii ka soo baxday.

 

Ambassador David Concar, ayaa sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Saddexda xisbi qaran siday doorkooda uga qaateen iyo gunaanadkii natiijada.

Komishanka doorashooyinka  Qaranka Somaliland iyo Ambassador David Concar, waxa ale oo ay ka wadda hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa dimuqraadiyada ka qabsoontay Somaliland ee loo sii wadi lahaa.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post