Araweelo News Network
Hargeysa(ANN)-Safiirka Dawladda Britain u fadhiya Dalka Ethiopia Ambassador David Concar oo ay weheliaan madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper, ayaa la kulmay Guddida Doorashooyinka Qaranka Somaliland.
Kulnkaa oo maanta ku qabsoomay xarunta KDQ oo ay ku wada yeesheen Guddida KDQ iyo Safiirka UK Ethiopia u fadhiaya David Concar oo ay wehelinaysay madaxa Xafiiska UK ee Hargeysa Miss Rosie Tapper oo aanay saxaafadu goob joog ka ahayn, ayaa lagaga hadlay arrimo badan.
Sida ay sheegeen, warbixin kooban oo lagu shaaciyay kulankaa kadib Website-ka Komishanka Qaranka ee Slnec.com. kulanka, ayaa lagaga wadda hadlay qaabkii ay u dhacday Doorashada ka dhacday Somaliland Isniintii 13 Nov 2017, wuxuuna Ambassador David Concar ku hambalyeeyeen KDQ sida ay u qabsoontay Doorashadu iyo natiijadii ka soo baxday.
Ambassador David Concar, ayaa sidoo kale wuxuu u mahad celiyey Saddexda xisbi qaran siday doorkooda uga qaateen iyo gunaanadkii natiijada.
Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland iyo Ambassador David Concar, waxa ale oo ay ka wadda hadleen sidii kor loogu sii qaadi lahaa dimuqraadiyada ka qabsoontay Somaliland ee loo sii wadi lahaa.