X
    Categories: Warar

Safiirka Britain Oo Booqasho Ku Yimi Somaliland Maxay Ka Wada-Hadleen Madaxweyne Biixi .?

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiska ku qaabilay safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador. Ben Fender.

Madaxweynaha Somaliland iyo Safiirka Britain, waxay wada-yeesheen kulan saacado qaatay, kaas oo aan la ogayn waxaayabaha rasmiga ah ee ay kaga wada hadleen, balse markii uu soo dhammaaday kulanku, waxay Madaxtooyadda Somaliland soo saartay qoraal saxaafadeed kooban oo ka hadlaya ujeedada kulanka iyo arrimaha ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo Safiirka Britain ee Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador, Ben Fender.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Ambassador. Ben Fender. 16 Jan 2020, Araweelo News Network.

Qoraal saxaafadeedka oo nuqul ka mid ah uu soo gaadhay Shebekadda Araweelo News Network, ayaa lagu yidhi, ” Kulanka waxa lagaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa iskaashiga soo jireenka ah ee labada dal ka dhexeeya iyo arrimo la xidhiidha dhinacyada amniga mandaqadda geeska Afrika, kobcinta iyo kor u qaadidda waxbarashada, sidoo kale waxa kulankaasi lagu lafo guray arrimaha doorashooyinka dalka.

Waxaanu Madaxweynuhu safiirka iyo weftiga uu hoggaaminayo uga mahadnaqay xidhiidhka wada shaqayneed ee labada dal ka dhexeeya iyo sidii loo sii dardar gelin lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhkaasi.

Dhiniciisa, safiirku waxa uu sheegay inay ka dawlad ahaan marwalba diyaar u yihiin wada shaqaynta labada dal in la xoojiyo lagana wada socdo wixii hadba ku soo kordha mandaqadda geeska Afrika. ‘ ayaa lagu yidhi, Qoraalkaa oo uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxweynaha Somaliland, Maxamuud Warsame Jaamac.

Booqashada Safiirka Britain, ayaa kusoo beegantay, iyadoo ay Somaliland ka jirto siyaasad cakiran, kadib markii ay socon waayeen go’aamadii ay Odayaasha dhex-dhexaadinta dhowaan kasoo saareen khilaafkii doorashooyinka ee u dhexeeyay xukuumadda iyo Asxaabta dalka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post