X
    Categories: Warar

Safiir Ku Xigeenka Somaliland Ee Ethiopia Oo Dhalinyaro Tahriibayaal Ah Kasoo Samata-bixiyay Dalalka Suudaan Iyo Liibiya

Ambassador Barkhad Kaariye, 12 Jan 2020, Araweelo News Network.

Adis Ababa(ANN)-Koox Dhalinyaro Tahriibayaal ah oo kasoo laabtay dalka Liibiya, ayaa maanta kusoo gurya-noqday dalkooda Hooyo ee Somaliland oo laga soo celiyey dalka Liibiya, Safiir ku-xigeenka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia, Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa maanta kasoo dejiyay gegida Diyaaradaha ee Hargeysa.

Dhalinyarada kasoo laabtay Tahriibta oo Ambassador Barkhad Kaariye, kasoo dejiyay Madaarka Hargeysa, 12 Jan 2020, Araweelo News Network.


Ambassador Barkhad, wuxuu sheegay inay ku dedalaayaan sidii kuwa doonaya inay u baxaan tahriib loo joojin lahaa, isla markaana ay safaarad ahaan ka go’antahay inay door weyn intii itaalkooda ah ka qaataan dhalinyarada ku dhibaataysan dalka Liibiya iyo kuwa kale oo ku xayiran dalalkaa, taas oo uu sheegay inay xukuumad ahaan diyaar u yihiin sidii ay usoo celin lahaayeen boqolaal dhalnyaro ah oo qaarkood ku jiraan xabsiyada dalalkaa.

Qaar ka mid ah Dhalinyarada kasoo laabtay Tahriibta oo Ambassador Barkhad Kaariye, kasoo dejiyay Madaarka Hargeysa, oo xubno ehelkooda ah ku sugayeen Madaarka 12 Jan 2020, Araweelo News Network.

Dhalinyaradaa oo saddex ah, ayaa laga soo celiyay xadka u dhexeeya Dalalka Ethiopia iyo Soodaan, wuxuuna Ambassador Barkhad Kaariye sheegay inay dhalinyaradaa sidii loo soo celin lahaa ay kala shaqeeeyeen waalidiinta dhalay dhalinyaradaa, isla markaana wuxuu si weyn ugu mahad-celiyay Wasaaradda Arrimaha Dibbeda Somaliland oo uu sheegay inay safaarad ahaan kala shaqeeyeen sidii dhalinyaradaa dalkoodu loogu soo celin lahaa, cid walba oo aan gacanta ugu jirin magafayaasha.

Qaar ka mid ah dhalinyarada oo ka hadlay dareenkooda, ayaa uga mahad-celiyay Safaarada Adis Ababa sida ay ugu dedaaleen inay dalkooda kusoo celiyaan, waxayna si gaar ah ugu mahadnaqeen Safiir-ku-xigeenka Somaliland ee Ethiopia Ambassador Barkhad Kaariye oo la socday dhalinyaradaa, isla markaana u gacan geliyay waalidiintooda iyo eheladooda oo ku sugayay madaarka.


Cabdiraxiim Khadar Siciid oo ka dhalinyarada maanta kusoo laabtay dalkooda, ayaa sheegay inay markii ay dalka ka tahriibeen ee laga soo celiyay Suudaan, isla markaana wuxuu sheegay inay ka boqooleen Somaliland iyagoo koox 14 ah, oo 4 ka mid ah ay Hablo ahaayeen, balse intii ay ku jireen xaalada guracan ee Tahriibta ay dhinteen 8 ka mid ahaa kooxdooda, isagoo xusay inay gaadheen gobolka Liibiya ugu soo xiga dhanka Suudaan ee lagu magcaabo Kufra, Cabdiraxiim, wuxuu sheegay in lixdoodii soo hadhay wixii ka baxsaday magafaha mooyee intoodii kale dalbadeen in dalkooda lagu soo celiyo, wuxuuna ka sheekeeyay dhibaatooyinka foosha xun ee lagula kaco dhalinyarada tahriibta oo loo geysto tacadiyo ka baxsan bini’aadanimada, sidaa awgeed ay ku faraxsan yihiin inay dalkoodii Hooyo kusoo laabtaan iyagoo nabadqaba.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post