X

“Saddex Meheradood Ayaa Iga Gubtay, Qaabka Wax Loo Wadaa Maaha Mid Caddaalad Ah”

“Annigu sidan umma arko Caddaalad, ma jirto Cid wax na weydisiay” Mid Ka Mid Dadkii Hantidooda ku Waayay Suuqa Gubtay

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-“Waxa muuqa in Liisas layska qoranayo oo dadkii dhibaatadu soo gaadhay ee hantidooda ku waayay suuqa gubtay kuwo aan ahayn la liistaynayo, waana arrin aan caddaalad ahyn.” Sidaa waxa yidhi, mid ah dadkii hantidooda ku waayay Suuqa shufbeelay ee Shiraaqle 1 April 2022, balse magaciisu ku meel maray Suuqa Waaheen.

Mustafe Maxamed Daahir oo tilmaamaya mid ka mdi ah meheradihisia gubtay iyo sida wax u gaadheen, Image Araweelo News Network, 1o April, 2022, suuqa gubtay ee Hargeysa.

Mustafe Maxamed Daahir oo ka mid ahaa dadka Meheradaha ku haystay suuqaa ee muddada dheer ku ganacsanayay, wuxuu sheegay in aannay jirin ilaa hadda cid weydiisay waxa soo gaadhay oo goobihii ay meheradihiisu ku yaaleen ugu timi, ama diiwaan gelisay.

Laxidhiidha: Somaliland: Xukuumadda Oo Ka Hadashay Doorkeeda Dhismaha Suuqa Waaheen

Wuxuuna arrimahaa iyo kuwo kale kaga hadlay Warraysi uu siiyay maanta Telefishnka BulshoTv, kaddib markii weriyayaal ka socday Telefishnka ku booqdeen goobta uu ka deganaa suqaa ee ay ku yaaleen meheradihiisa gubtay.

Suuqa gubtay iyo sida wax u gaadheen, Image Araweelo News Network, 1 April, 2022, Hargeysa.

“mushkilada dhacday, waxa weeye masiibada dabka ee dhacday dad ganacsato ah oo meherado kala duwan ayay dhibaato kasoo gaadhay, waa lays garanayaa qof walba meeshii uu deganaa, markaa may ahayn in lagu mashuulo wax kale, waxay ahayd si xaqiiqda iyo runta loo taabto in qof walba loogu taggo halkii uu ku ganacsanayay, ama meheradiisu ahayd oo al weydiiyo magaciisa iyo wixii hanti haystay, waxa u badbaaday, haddii ay jiraan iyo waxa soo gaadhay khasaare.” Ayuu yidhi, Mustafe.

Hase yeeshee, wuxuu tilmaamay in ay maqlayaan in dad suuqa iska jooga oo aan wax dhibaato ah soo gaadhin oo ganasi ku lahayn suuqa gubtay la liistaynayo oo nin walba Liis uu qortay meel la marayo, wuxuu arrintaa ku macneeyay mid aan wanaagsanayn oo aan caddaalad keenayn.

Ganacsade Mustafe, wuxuu amaanay Maayarka Caasimadda Cabdikariim Axmed Mooge, isagoo sheegay in markii masiibada dabku taagnayd uu la yaabay naf-hurnimadii uu samaynayay iyo dedaalkiisii.

“Waxaad moodaa qaabka wax loo wado in aannay dadka hawshan wadaa weligood maamul arag, arrinta haddii dadkii wax loo qabanayo oo dunida iyo meel walba laynooga soo gurnaday, laakiin aynu sidan wax u wadno waxba maynu taransan ayaan odhan karaa, markaa waa in sidan wax laga bedelaa oo wanaaga iyo cadaaladda laga shaqeeyaa haddii la doonayo in wax inoo haggaagaan.” Ayuu yidhi.

Mustafe Maxamed Daahir, wuxuu arrimaha mad-madawga abuuraya ee shakiga iyo walaaca uu ka bixiyay iyo qaabkii wax u dhaceen habeenkaa suuqu gubtay kaga hadlay muuqaalkan hoose.

Halkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post