Weerarka Diyaaraddaha Israel Ku Qaadeen Yemen, Wuxuu uga Sii Daray Xaaladda Gobolka

#Araweelo_News_Network.

Riyad (ANN)-Dawladda Sacuudiga ayaa ka hadashay duulaanka Israel ay ku duqaysay Sabtidii Dekedda Xuddayda ee dalka Yemen, iyadoo Diyaaraddaha Israel khasaare u gaysteen xarunta Korontada ee Ras Kathib ee magaalada Xuddayda iyo goob lagu kaydiyo shidaalka, isla markaana dad rayid ah ay ku dhinteen weerarka.

 

 

Xukuumadda Riyaad ayaa dagaal tobban sannadood ah kula jirtay Yemen, tan iyo markii Xuutiyiintu xukunka kala wareegeen dawladdii Yemen 2015, iyadoo Sacuudigu sanadkii 2015 abaabulay isbahaysi millateri oo caalami ah oo ka dhan ah Xuutiyiinta, in kasta oo xabbad joojin inta baddan la qabtay ugu danbaymtii labadii sannadood ee lasoo dhaafay suurta gashay.

Hase yeeshee, Xukuumadda Riyaad oo wixii mudadaa ka danbayeeyay wax ka beddeshay siyaasadeeda ku waajahan gobolka waxay weerarka Israel ee xilligan dalka Yemen ku tilmaantay mid sii murguniya dagaalka xalka loo waayay ee Bariga dhexe, isla markaana uga sii daraya collaada oo meesha ka saaraya in xal loo helo dagaalka Qaza.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga, ayaa ugu baaqayday in la xakameeyo collaada,  kaddib weerarrada Israel ay ku qaaday Xuutiyiinta  Yemen oo ay ku sheegeen in ay ku dileen 6 qof.

Weerarka Israel ayaa jawaab u ahaa weerar ay diyaaraddaha aan duuliyaha lahayn ee Xuutiyiinta ay ka geysteen magaalada Tel Aviv habeenkii Khamiista, halkaasoo hal qof lagu dilay, kuwo kalena lagu dhaawacay.

Duqaynta Israa’iil “waxay sii xumaynaysaa xiisadda hadda ka jirta gobolka waxayna hakisay dadaallada socda ee lagu soo afjarayo dagaalka Qaza,” ayay tidhi, wasaaradda arrimaha dibadda Sucuudiga ku sheegtay bayaan ay soo saartay.

Bayaanka Sacuudiga ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yidhi, ” dhammaan dhinacyada waa inay is xakameeyaan oo ay gobolka iyo dadka ka fogeeyaan khatarta dagaalka.”

Sida ay sheegtay warbaahinta Israel oo soo xiganaysa ilo rasmi ah oo Maraykan ah ayaa sheegaya in 12 diyaaradood oo F-35 ah ay weerareen goobo baddan oo Yemen ku yaalla dhowr mowjadood oo weerar ah.

Si la mid ah sida laga soo xigtay warbaahinta Israel, Talyaanigu wuxuu ka caawiyay Israel shidaal ku shubista hawadda Yemen. si ay duqaymaha Yemen uga fuliyaan, diyaaraddaha Israel, maadaama ay masaafada ka fogaanshaha aannay u suurta gelinayn weerar toos ah ka geystaan ​​Yemen.

Israel ayaa sheegtay innay ka jawaabayeen weerarkii Jimcihii diyaarad aan duuliye lahayn oo Xuutiyiinta Yemen adeegsadeen waxay beegsatay magaalada Tel Aviv, taas oo ah nooc cusub oo lagu magacaabo “Yafa”, waxayna gebi ahaanba fashilisay difaaca cirka ee Israel, iyadoo weerarkan uu burburiyay dhismayaal ku dhow Qunsuliyadda Maraykanka ee Tel Aviv. Waxa kale oo weerarku sababtay dhimasho iyo dhaawac. sida ay Yuhuuddu sheegeen.

Xuutiyiinta, ayaa marar baddan weeraro toos ah ku qaaday Israel tan iyo markii uu bilaabmay dagaalka Qaza Oct, 2023, iyagoo balanqaaday in aannay joojinayn weerarada Israel iyo kuwa ay ku hayaan Maraakiibta ilaa Israel ka baxayso dhulka Falastiin ama laga xoraynayo xasuuqa iyo go’doominta ay ciidamada Isael oo gacan ka helaya xullufada Maraykanku u horeeyo ku hayaan shacabka Falastiin ee ay wallaalaha yihiin.

Afhayeenka ciidamada Yemen General Saree oo ka hadlay weerarka Israel kusoo qaaday Dekedda Xuddayda oo ah deked ku taal Badda Cas ee dhanka waqooyi galbeed ee Yemen ay si dhab ah uga jawaabayaan “Waa hubaal in gardarada Israel ee Xuddayda aannay socon doonin jawaab la’aan. ”ayuu yidhi.

Ciidamada qalabka sida ee Yemen ayaa ku celinaya in Israel ay qabsadeen Yafa (Tel Aviv) ay tahay aag aan ammaan ahayn iyo in jawaab celinta gardarrada Israel ee xarumaha rayidka ah ee gobolka xeebta Yemen ee Xuddayda ay shaki la’aan imanayso, afhayeen u hadlay General Yahya Saaree ayaa sheegay Sabtidii kaddib markii Israel weerartay.

General Saaree waxa uu ku nuuxnuuxsaday in ciidamada qalabka sida “annay ka waaban doonin” in ay duqeeyaan bartilmaameedyada muhiimka ah ee Israa’iil ee gudaha Israel iyo in hawlgallada lagu taageerayo dadka Falastiiniyiinta ah ee Qaza annay joogsan doonin iyada oo aan loo eegin cawaaqibka ka dhalan kara, isagoo jawaabtiisa ku sheegay in Israel u diyaar garawdo dagaal toos ah oo dheeraada ilaa gumaysiga Yuhuuda laga saarayo dhulka Falastiin oo ayku Yafa (Tel Aviv) oo ah caasimadda Israel ee ay duqeeyeen Jimcihii, iyadoo nooca diyaaradda oo cusub loo bixiyay “Yafa“, taas oo noqonay Tel Aviv, isla marakana ku guulaystay innay dhaafto qalabka difaaca hawadda iyo raadaalada israel iyo kuwa xullufadda Maraykanka ee difaacaya Israel.

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com