X
    Categories: Warar

Sacuudiga Amiir Ka Tursan Qoyska Boqortooyada Oo Xabsiga Loo Taxaabay

Araweelo News Network

Amiir Saud

Riyadh (ANN)- Ciidammada ammaanka ee waddanka Sucuudi Carabiya, ayaa xabsiga u taxaabay amiir ka tirsan qoyska boqortooda dalkaas xukuma, kadib markii la baahiyey muuqaallo muujinaya tacadiyo uu kula kacay tiro dad ah subaxnimadii hore ee shalay.
Saraakiisha booliska ee Sucuudiga ayaa xasbiga dhigay amiir Sucuud bin Cabddul-casiis oo loo haysto eedaymo la xidhiidha xadgudubyo xuquuqda aadanaha dhan ka ah oo uu u geystay dad shacabka ah.
Boqorka Sucuudi Carabiya Boqor Salmaan, ayaa amray in degdeg loo xidho amiir Sucuud bin Cabddul-casiis, kadib markii baraha bulshada ee internerka lagu baahiyey muuqaal muujinaya falka uu ku kacay.
Amiirka jeelka la dhigay oo dhallinyaro ah, ayaa lagu arkay muuqaalka isaga oo xidhan dhar madow, isla markaana gacantiisa ku garaacaya qof rayid ah, halka muuqaal kalena muujiyey isaga oo tacadi u geysanaya dhowr qof.
Boqor Salmaan ayaa amar ku bixiyey in tallaabo laga qaado amiir Sucuud bin Cabdulcasiis, iyada oo aan la eegayn kaalinta uu kaga jiro bulshada Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Dadka dhibaatadu ka soo gaadhay tacadiyada amiir Sucuud waxa ka mid ah haween uu af-xumo kula kacay iyo dad kale oo qaarkood madaxa dhiig ka daadanayo sida muuqaallada la helay ka muuqata.
Guud ahaan shacabka ku dhaqan dalka Sucuudiga, ayaa baraha bulshadu ku xidhiidho si weyn ugu faafiyey muuqaallada muujinaya xadgudubyada amiirka qoyska reer boqor ka tirsan geystay.
Markii uu soo shaac baxay muuqaalka muujinaya tacadiyada amiirku ku kacay, waxa si weyn u baahay warar iyo maqaallo aad u tiro badan oo cinwaan looga dhigay ‘Amiir Sucuudi ah oo ku xadgubay shacab,”.waxaanay dadweynaha falkaas ka damqaday qaarkood soo jeediyeen in amiirka da’da yar la dilo.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post