Araweelo News Network
cadami
Hargeysa (ANN)- Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Xaaji Cali Cadami, ayaa sheegay in Somaliland tahay dal yaqaanna saaxiibtinimada iyo cadaawadda labadaba oo ay kula dhaqanto cid waliba siday ka doonto.
Wasiir Cadami oo hadal ka jeediyey dabbaaldegga sannad-guurada 23-aad ee ka soo wareegtay waqtigii aasaaska ciidanka Qaranka Somaliland oo lagu qabtay xarunta Taliska guud ee Millatarigu ku leeyahay Hargeysa, waxa uu sheegay in aanay Somaliland marnaba samayn tacadi ama gardarro ay cid kale u gaysato oo ay colaadda ka jeceshahay saaxiibtinimada, balse ciddii ku xad-gudub ula timaada ay taqaanno qaabka ay ula dhaqmayso.
“Cidna kuma tacadiyeyno laakiin cid allaale iyo ciddii ina cadaawadaysata ama ciddii saaxiibtinimo naga doonta saaxiibtinimada waanu ku wanaagsanahay, ciddii na farogalisa oo cadaawad la timaadana wax iska celiskana waanu ku fiicannahay, haddii nala daandaansado,” ayuu yidhi Wasiirka Gaashaadhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami, waxaannu isagoo hadalkiisa sii wata intaa raaciyey, “Waxa la qirsanyahay oo aan cid dafirsanayne jirin doorka aad u wayn ee ciidanka Qaranku ay ciyaareen markii meelo badan la innaga farogaliyey, markii meelo badan rasaas aynaan ku talogalin la innagaga soo riday, markii hadidaad iyo hanjabaad beenbeen ah oo aan xaqiiqada iyo geesinimada ku salaysnayn la inoogu hanjabay, doorkaasi ay qaateen waa mid lama ilaawaan ah oo waxay ciidanka Qaranku sugeen xuduudkii Somaliland oo maanta sida aynu nabadgalyada ugu fadhinno Insha Allaahu aynu ugu sii fadhiyo doono.”

Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland

Saraakiisha Ciidanka Qaranka Somaliland


Waxa kaloo uu ku ammaanay ciidanka millatariga kaalinta uu ka qaatay ilaalinta amniga ee shacabka gudihiisa, gaar ahaan joojinta colaado beelo walaalo ah ku dhexmaray gobollada bariga Somaliland oo ay ciidanku dhexgaleen, kana shaqeeyeen nabadayntooda, waxaannu yidhi, “Doorkii madaxdhaqameedka salaadiinta iyo cuqaasha iyo waxgaradka reeruhu lahaa ayuu maanta hayaa ciidanka Qaranku, waxa kaloo markii duco soconwayday uu awooddiisa ku gaadhay inuu kala dhex fadhiisto oo xoog u adeegsado.”
Sidoo kale, Md. Cadami waxa uu soo bandhigay doorka ciidanka Qaranku kaga jiro gurmadka abaarta daran ee ka jirta dalka Somaliland, gaar ahaan gobollada bariga, isagoo halkaasi ku shaaciyey qaadhaan lacag ah oo ciidanku ugu talogalay inay kaga qaybgalaan gurmadka abaarta, waxaannu yidhi, “Ciidanku waxay u fayteen abaartan dhacday ee khatarta ah ee mar la aragta ah oo waxay sameeyeen in ay baabuurtooda ugu gurmadaan oo lagu qaaday dadka lagu sheegay inay bariga fog gaadheen, waa baabuurta millatariga iyo ciidankii kuwa ilaa hadda dadka biyaha gaadhiwaayey u dhaaminayaa, waa iyaga kuwa dadka raashinku ka go’ay raashinkii ay cunayeen qayb ka siiyey, intaa kumay joogine gobollada bariga waxay u gudbeen oo ilaa shan guuto oo ciidan ah loo xilsaaray ilaalinta wixii raashin iyo biyo loo heli karayey dadka jilicsan in nabadgalyo lagu gaadhsiiyo, waayo abaartu markay raagto dadku way bahaloobaan oo qaar aan tuug ahaan jirin ayaa magacyo la baxa, markaas oo dhan way ka hortageen.”
“Halkan waxaan ku sidaa jeeg lacag ah xadigeedu dhan yahay sagaal boqol iyo shan milyan (9,05000,000 Shillin Somaliland) oo ciidanka Qaranku iska jareen oo ay ugu talogaleen gurmadka abaarta, waxaannuna ku wareejinaynaa guddiga abaaraha oo lagu shubi doono khasnadda taakulada abaarta,” ayuu hadalkiisa kus oo ururiyey Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland Md. Axmed X. Cali Cadami.