X

Ruushka Oo Soo Riday Diyaarad Uu Maraykanku Leeyahay

#Araweelo_News_Network.

Washington(ANN)-Ciidamada Ruushka ee cirka, aaya soo riday Diyaarad uu leeyahay Maraykanka oo dulmaraysay Biyaha Badda madaw.

Xukuumadda Washington, ayaa sheegtay in gebi ahaanba la burburiyay Diyaarada Maraykanka oo ahayd nooca loo yaqaan Drone MQ-9 Reaper.

Arrintan ayaa dhacday subaxnimadii hore ee shalay, iyadoo Diyaaraddaha Dagaalka ee Ruushku ku khasbeen in gebi ahaanba dhulka lasoo dhigo Diyaaradda Maraykanka, taas oo la burbiriyay.

Drone-ta lasoo riday ayaan la ogayn sababta ay halkaas u tagtay iyo qorshaha ay fulinaysay, iyadoo Ciidamada Cirka ee Ruushka iyo kuwa Badda oo maraakiibtooda dagaalku ku sugan yihiin Biyha Badda Madaw si weyn isha ugu hayaan aaggaa oo sidii uu dagaalka Ukraine u blaabmay laga caagay, taas oo sababtay inuu xidhmo marinkaa (Bosphorus Strait) oo ahaa mid muhiim ah.

American Drone MQ-9 Reaper,

Diyaarad kuwa dagaalka ah ee laga leeyahay dalka Ruushka ayaa ku khasabtay in ay soo rido diyaarad Drone ah oo ay leeyihiin ciidamada Cirka Maraykanka oo dul maraysay biyaha badda madow kaddib markii ay waxyeelo u gaysteen Ciidamada Cirka ee Ruushku diyaaradii ay lahayd dawladda Maraykanka ee MQ-9 Reaper, sida uu sheegay sarkaal Maraykan ah oo la socday dhacdadan.

 

Maraakiibta dagaalka ee ku sugan Biyaha Badda Madaw, ayaa duqaymo garaacis ah u geysta Magaalooyinka Ukraine.

Arrintan ayaa u muuqata mid sii kordhinaysa xiisadda dagaalka ee u dhaxaysa Maraykanka iyo xulufaddiisa oo la safan Ukraine iyo Ruushka oo muddo sannad ah dagaal ka waday dalka Ukraine oo taageero millateri iyo garab u siiyay.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post