X
    Categories: Warar

Ruushka Oo Qorshaynaya Inuu Muujiyo Awoodda Melleteri Ee Uu Leeyahay Soona Bandhigaya Diyaarado iyo Gaadiid Casri Ah

Araweelo News Network

Hubka casriga ah ee Ruushka

 

Moscow(ANN)-Dowladda Ruushka, ayaa wada qorshe ay kusoo bandhigay awoodda cududdeeda milateri, wixii ka danbeeyay dagaal weynihii labaad ee dunida, waxaana Jira diyaar garoow ballaadhan oo Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Ruushka ay Wado si ay usoo bandhigto aweedda dhanka habka Iyo saaannada Milateri ee ay haystaan.

 

Ruushka oo xiligan dagaal qabow  iyo loolan  awood milateri oo ku salaysan istiraatiijiyad ka dhexeeyo Mareykanka ayaa soo bandhigaysa hubka  casriga ah ee ay haystaan, waxaana loo qorsheeyay bandhiga dhoollatuskaa inuu ka dhaco 10 May 2018′ magaalada  Moscow ee dalka Ruushka, iyadoo ay qayb ka yihiin kumanaan ka mid ah Milateriga dalkaa oo ku gaashaaman hunka Iyo saannada Milateri ee casriga ah.

 

Sida ay shaacisay Wakaaladda wararka  Ruushka, waxa  dhoollatuskaa lagusoo bandhigi doonaa diyaaradaha Drone-ka casriga ah ee loo yaqaan Citran iyo Kursar oo awood u leh sahan iyo duqeyn hal mar oo keliya fulin kara, sidoo kale diyaaradaha Drone-ka ayaa lagu daad gureyn kara saad ciidan iyo qalab kale, waxayna aad uga duwanyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo shaqada ay qaban karaan ku kooban tahay duqayn iyo sahan oo keliya.

Arrintan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay sii korodhay mudooyinkii u danbeeyay xiisada dhinaca loolanka istiraatiijiyada ee u dhaxaysa Ruushka Iyo Maraykanka, iyadoo mandaqada Bariga Dhexe maanta noqotay xudunta loolanka labada awooddood ee Maraykanka Iyo Ruushka oo Isku Khilaafsan xiisada Suriya, Yemen Iyo Ciraaq.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post