Araweelo News Network
Moscow(ANN)-Dowladda Ruushka, ayaa wada qorshe ay kusoo bandhigay awoodda cududdeeda milateri, wixii ka danbeeyay dagaal weynihii labaad ee dunida, waxaana Jira diyaar garoow ballaadhan oo Wasaaradda Gaashaandhigga dowladda Ruushka ay Wado si ay usoo bandhigto aweedda dhanka habka Iyo saaannada Milateri ee ay haystaan.
Ruushka oo xiligan dagaal qabow iyo loolan awood milateri oo ku salaysan istiraatiijiyad ka dhexeeyo Mareykanka ayaa soo bandhigaysa hubka casriga ah ee ay haystaan, waxaana loo qorsheeyay bandhiga dhoollatuskaa inuu ka dhaco 10 May 2018′ magaalada Moscow ee dalka Ruushka, iyadoo ay qayb ka yihiin kumanaan ka mid ah Milateriga dalkaa oo ku gaashaaman hunka Iyo saannada Milateri ee casriga ah.
Sida ay shaacisay Wakaaladda wararka Ruushka, waxa dhoollatuskaa lagusoo bandhigi doonaa diyaaradaha Drone-ka casriga ah ee loo yaqaan Citran iyo Kursar oo awood u leh sahan iyo duqeyn hal mar oo keliya fulin kara, sidoo kale diyaaradaha Drone-ka ayaa lagu daad gureyn kara saad ciidan iyo qalab kale, waxayna aad uga duwanyihiin diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka oo shaqada ay qaban karaan ku kooban tahay duqayn iyo sahan oo keliya.
Arrintan ayaa kusoo beegmay iyadoo ay sii korodhay mudooyinkii u danbeeyay xiisada dhinaca loolanka istiraatiijiyada ee u dhaxaysa Ruushka Iyo Maraykanka, iyadoo mandaqada Bariga Dhexe maanta noqotay xudunta loolanka labada awooddood ee Maraykanka Iyo Ruushka oo Isku Khilaafsan xiisada Suriya, Yemen Iyo Ciraaq.