X

Ruushka Oo Gantaalo Nukliyeer Tijaabiyay Iyo Cabsida Laga Qaba Adeegsiga Bam Wasakhaysan

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku hadlaya teleefoon, Image file Araweelo News Network, May 6 2022.

Araweelo News Network.

Moscow(AAN)-Ruushka ayaa sameeyay dhaalatus gantaalo lagu tijaabiyay meelo kala duwan, taas oo sii kordhinaysa cabsdia laga qabo in Ruushku adeegsado hubka wax gumaada ee Nukliyeerka.

Kremlin-ka ayaa sheegay in ciidamada istaraatiijiga ah ee ka hortagga Ruushka ay gantaallo tijaabo ah ku qaadeen Bariga Ruushka iyo Arctic.

Moscow iyo Kyiv ayaa midba midka kale ku eedeeyay in ay isku diyaarinayaan isticmaalka Bam wasakh ah, kaas oo si weyn looga walaacsanyahay.

 

Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa kormeeray tababarka ciidamada istaraatiijiyadeed ee Moscow, sidaana waxa sheegay Arba Aqalka cadii Kremlin.

 

Dhoolatusyada ayaa waxaa ka mid ahaa in gantaalada tijaabada laga soo rido jasiiradda Kamchatka ee ku taal dhanka Bari iyo badda Barents ee Arctic oo ay Ruushku ku leeyihiin Saldhig Millateri, iyadoo ay Badda Arctic la ceeriyoontay Gujisyada xanbaarsan gantaalaha Nukliyeerka, kuwaas oo ku jihaysan Maraykanka iyo meelo kale.

Badweynta Arctic waxay xuddun u tahay qiyaastii cidhifka Waqooyi (North Pole.), waxayna si buuxda ugu wareegsantahay dhulalka Waqooyiga Ameerika, Eurasia, iyo Greenland.

 

Ciidamada istaraatiijiga ah ee Ruushka, ayaa loo xilsaaray inay ka jawaabaan hanjabaadaha nukliyeerka, waxayna arrintan kusoo beegantay iyadoo Moscow iyo Kyiv ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu isku diyaarinayo inuu isticmaalo Bam wasakh ah, kaas oo la sheegay in ay ku jiraan walxo nukliyeer ah.

Saraakiisha Ruushka ayaa marar baddan ugu hanjabay dalalka reer Galbeedka in Moscow adeegsan doonto hubka Nukliyeerka si ay uga jawaabaan taageerada reer galbeedka ee Ukraine, taas oo cabsideeda noqtay mid joogto ah.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

 araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post