X
    Categories: Warar

Roobabka Duufaan Wata Oo Soo Gaadhay Somaliland Iyo Puntland

roobabka


Hargeysa(ANN)-Roobab aan dhibic culus lahayn oo shuux u badan ayaa ka da’aya deegaamo badan oo kamida Somaliland, sida magaallooyinka Berbera iyo Hargeysa, waxayna roobabkaa oo is isku mida uga da’ayey saacado qayb ka yihiin roobabka wata Duufaanta loo bixiyay Pawan ee horre loo sheegay inay ku soo wajahantahay xeebaha Soomaaliya iyo Somaliland.


Haseyeeshee roobabka oo wata dabaylo ayaa u badnaa dhinaca Deegaamada Puntland oo ay ilaa xalay ay ka da’ayeen roobab dabaylo wata, waxaana la soo sheegayaa inay duufaanta maanta oo Sabti ah soo gaadhay meelo ka mid ah deegaanno ka tirsan Puntland gaar ahaanna ay ku xoog badantahay deegaamada usii jeeda xeebta dhanka ndian Ocean ee ay ka mid yihiin Eyl iyo meelo kale.

Shacabka deegaannadaasina waxaa lagula taliyey inay badda iyo dhulka badkiisu hooseeyo ay ka fogaadan, waxayna sababeen roobaabka xalay ka ilaa maanta ka da’ayay deegamadaa u badan dhanka Puntland oo watay dabalyo sababeen in meela qaar is-gaadhsiintu ka maqan tahay

Magaalada Garowe ayaa ka mid ah magaalooyinka waaweyn ee ay Saamaynta ku yeesheen roobabkan oo muddo dhawr iyo toban saacadood ah aan helin Laydh, taas oo saamayn ku yeelatay nolosha dadka.


Inta badan deegaamada Gobolka Sanaag ayaa waxa ilaa xalay ka da’ayay roob tumay ah oo aan wax dabeyla lahayn. Magaalada Ceerigaabo ayuu roobku dhibicda ku bilaabay xalay abaaro Sagaalkii habeennimo, kaas oo weli ka da’ayay caawa, iyadoo aan wax dhibaato ah laga soo sheegin degmooyinka dhinaca galbeeka ee gobolka Sanaag, balse ay jirtay cabsi laga qabo deegaamada Dhahar, xingalool iyo Badhan ee bariga gobolka Sanaag oo ah meelaha roobabku ku xooganayeen.

Sidoo kale, Gobolka Sanaag oo ka mida meelaha sida weyn looga cabsi qabay in ay ka da’aan roobab dabeylo wata, ayaa deegaamada dhinaca xeebta la sheegay in uu khasaare bur-bur hantiyeed iyo nololsha xoollo nool galaafteen roobabku.

Badhasaabka Gobolka Sanaag Maxame Axmed Timbaro, ayaa sheegay in tobaneeyo guri roobabku dumiyeen magaallooyinka Xiis iyo Maydh oo xeebaha Bariga Somaliland, meelaha qaarna waxyeelo gaadhay xoolo nool, wuxuu Allah ka baryay in aanay nimcada da’aysaa noqon mid dhib u geysata dadka iyo Xoollaha.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post