X

Roob Mahiigaana Oo Ilmada Ka Maydhay Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa ee la ilmaynaysay roob la’aan

Hargeysa(ANN)-Magaaladda Caasimadda Somaliland ee Hargeysa, waxa si weyn u maasheeyay galabta roob mahiigaana oo da’ayay saacado., isla markaana dhibic xooggan lahaa.

Muqaalka Roobka Mahiigaanka ah ee Ilamada ka maydhay Hargeysa, 1 May 2022, Image Araweelo News Network.

Roobka oo ka mid ah roobabka guga oo sannadka laga dayrinayay, maadaama xilligii Allah looga bartay ee hortaanta Bisha April aannay jirin roobab waaweyn ka da’ay dalka, marka laga reebo roobab dhinaca bariga iyo galbeedka ka da’ay, balse magaa;ada Hargeysa ayaa kow ka ahayd meelaha sida weyn ugu ilmaynayay raxmaad Allah.

Wallow ay hargeysi hore u heshay hogol doogsimo ah oo aan mararka qaar laga dareemin daafaha magaaladda iyo duleedkeeda, balse roobka maanta gelinkii danbe 1 May 2022, ka da’ay ayaa ahaa mid mahiigaan ah oo dhawr saacad da’ayay.

Roobka oo dhibic xooggan iyo weedh mararka qaar guux samaynaya lahaa, ayaa si weyn ugu bariinsaday magaaladda, isla markaana wuxuu roobakani noqday roobkii ugu weynaa ee Hargeysa intiii biyaha guga la tirsaday ay hesho.

Lama sheegin ilaa hadda khasaare uu sababay roobku, balse waxa la saadaalinayaa in ay jiraan khasaarooyin ka dhalanaya marka la eego baaxada roobka iyo biyihiisa, iyadoo dadka danyarta ah ee aan haysan gabaadka, amma hoygoodu yahay guryaha jiingadaha ka samaysan iyo aqalada yaryar ee loo yaqaan Beebeeyada ay halis ugu jiraan marka ay roobabka sidan oo kale curtain.

   Raxmaadka roobka Allah ku maansheeyay maanta magaaladda Hargeysa ee la ilmaynaysay roob la’aanta, wuxuu noqonayaa roobka mahigaanka ah ee galabta helay Hargeysa ayaa lagu tilmaami karaa inuu Ilmada ka maydhay Magaaladda Hargeysa.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post