X
    Categories: Warar

Raysal-wasaare Ku Xigeenka Somalia Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Dhaqan-celin Loogu Sameeyay Dhalinyaro

Mogadishu(ANN)Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka dalka Somalia Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad dhaqan celin loogu samaynayay Xarunta Ciidanka Asluunta caruur da’yar oo tiradoodu gaareysay 60 kuwaasoo laga soo aruuriyay dariiqyada.

Munaasabadan oo ay goob joog ka ahaayeen Wasiirka Wasaarada Cadaaladda Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac Ilka-jiir, Taliyaha Ciidanka Asluubta Bashiir Maxamed Jaamac, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Mudane Axmad Cali Daahir iyo Ergayga Arrimaha Xuquuqal Insaanka iyo qaxootiga Ra’iisul Wasaaraha Maryam Yaasiin.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Mudane Bashiir Maxamed Jaamac oo sharaxaad ka bixiyay qaabka ay caruurtan u soo urururiyeen ayaa sheegay in wixii caruurura ee da’adoodu yar tahay ay gayn doonaan Xarunta Caruurta lagu dhaqan caliyo ee Afgooye iyadoo kuwo waawayna uu sheegay la bari doono xirfado ay ku shaqaystaan oo dibjirnimada kaga baxaan.

Wasiirka Cadaalada oo isna kulankaasi ka hadlay ayaa sheegay in dadaal badan ay Wasaaradiisu ka gashay in ubadka darbiyada ku dayacan la soo ururiyo si gaarana u sheegay in dhibaatooyinka ay la kulmaan hoos loo eegi doono khaasatan dhinaca sharciga.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan maanta arko caruur aad u da’yar oo laga soo aruuriyay dariiqyada magaalada Muqdisho si loo xanaaneeyo, waxaana arrintan si gaar ah uga mahadcelinayaa Taliska Asluubta oo iyagu isku xil qaamay inay soo aruuriyaan caruurtaan iyaga oo kaashanaya hay’addaha ay khuseyso” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte.

Ra’iisal Wasaare ku-xigeenka Mudane Maxamed Cumar Carte ayaa gacantiisa uga badalay dharkii duuga ahaa ee ay xirnaayeen caruurtan isaga oo u xiray dhar cusub, waxaana caruurtan oo diif badani ka muuqatay uu balan qaaday in dawladu gacan ka gaysan doonto daryeelkooda lana dhaqan celin doono.

Gabagabadii, Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ayaa kormeer ku soo maray Xarunta Ciidanka Asluubta iyo dhismaha cusub ee Maxkamada iyo Xabsiga dhexe ee dalka.

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post