X
    Categories: Warar

Raysal Wasaare Cusub Oo Loo Magcaabay Somalia

Mogadishu(ANN)Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si rasmi ah caawa Caweyskii ugu dhawaaqay raysal wasaaraha cusub ee Somalia, wuxuuna xilkaa u magcaabay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo ah Siyaasi kasoo jeeda deegaanka Puntland, isla marakana Aabihii ahaa Madaxweynihii Somalia ee la dilay 15 Oct 1969.
Madaxweyne Xasan Sheekh, wuxuu magcaabista Raysal Wasaaraha cusub oo la filayay labadii maalmood ee u danbeeyay inuu u magcaabayo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke kaga dhawaaqay munaasibad xaflad caawa lagu qabtay Madaxtooyadda Villa Somalia ee magaalada Muqdisho.
Raysal wasaaraha cusub xilka Raysal Wasaare hore usoo qabtay xiligii Xukuumaddii Sheekh Shariif, wuxuu waqtigan ahaa Safiirka Somalia ee Washington Dc, wuxuuna noqnayaa Raysal Wasaarihii Sadaexaad ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Magcaabo mudadii uu xilka Madaxweyne hayay oo ku dhaw Afar sanaadood, iyadoo labada Raysal Wasaare ee hore oo kasoo jeeday degaanka Garbahaaray ay xilkooda ku waayeen khilaaf dhexmaray Madaxweynaha, balse Raysal wasaaraha cusub ee uu hadda u magcaabay xilka, ayaa isagu kasoo jeeda deegaanka maamul goboleedka Somalia ee Puntland, kaas oo aan la oggayn inay magcaabistiisu wax ka beddelay khilaafka mar walba dhexmara Madaxweynaha iyo raysal Wasaaraha xukuumaddan iyo xukuumadihii ka horeeyay ee Somalia debeda lagaga soo waariday.
Faalllo la xidhiidha Raysal wasaaraha cusub oo ka mid ah Faallooyinkii laga bixiyay markii ay soo baxeen wararka sheegaya in Madaxweyne Xasan soo waddo Cumar Cabdirashiid halkan ka akhriso. Riix______
Araweelo News Network

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post