X
    Categories: Warar

Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid Oo La Kulmay Wafdi ka socday Jaamacadda Carabta Iyo Waxyaabaha Lagaga Hadlay Kulan Ay Yeesheen

Araweelo News Network

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban

Muqdisho(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo weheliyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mudane Axmed Maxamed Cali “ Kediye”, ayaa gelinkii dambe ee maanta la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban Madaxa Isutaga Wadamada Carabta ee Afrika, isla markaana ah Ergeyga Gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Isutaga Wadamada Carabta.
sida lagu sheegay qoraal kasoo Xafiiska Warbaahinta iyo Xidhiidhka ee Raysal wasaaraha Somalia. waxay labada dhinac ka wada hadleen xaaladda Soomaaliya iyo taageerada ay Jaamacadda Carabtu siiso Soomaaliya.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay in Muqdisho ay soo booqdaan wafdiga ka socda jaamacadda Carabta, waxaana si gaar ah uga mahad celiyey Jaamacadda Carabta taageerada ay mar walba Soomaaliya la garab taagan tahay, isagoo intaa ku daray in dawladda Soomaaliya ay diyaar u tahay inay xoojiso iskaashiga labada dhinac ka dhexeeya.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke oo la kulmay wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hoggaaminayo Danjire Zaid Al Sabban


“Kulankeenna wuxuu qayb ka ahaa wada-shaqeyn dhexmarta Soomaaliya iyo dawladaha Carabta, waxaan iska wareysanay xaaladdo badan anagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ay ka mid yihiin doorashooyinka Soomaaliya ka dhici doona sanadkan 2016 iyo doorkooda ku aadan sidii ay gacan uga geysan lahaayeen” ayuu yidhi R.Wasaare Cumar.

Wafdiga Jaamacadda Carabta ee Hoggaaminayey Danjire Zaid Al Sabban, ayaa iyaguna sheegay in Jaamacadda Carabta ay kordhin doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, si gaar ahna ay gacan uga geysaneyso hirgelinta hiigsiga 2016, oo ay ka mid tahay in Soomaaliya ay doorasho ka dhacdo sida lagu sheegay qoraalka kasoo baxay kulankaa kadib.

Follow us: @Araweelonews on Twitter | Arraale M Jama

Araweelo News Network

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post