X
    Categories: Warar

Raysal-wasaaraha Somalia Too Baaq U Diray Dhinacyada Ku Dagaalamaya Shabeelada Hoose iyo Hiiraan

Mogadishu(ANN)Raysal wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke, isaga oo ku hadlaya magaca Xukuumadda ayuu baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya Degmada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan. Waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqay kooxaha uu khilaafku u dhexeeyo inay si degdeg ah u joojiyaan xabada ayna wadahadal iyo walaalnimo ku xalliyaan khilaafkooda.

Ra’iisul Wasaare Cumar ayaa tilmaamay in waqtigan xasaasiga ah ee dadka Soomaaliyeed ka tashanayaan mustaqbalkooda aan loo dul-qaadan karin in la daadiyo dhiigga dad Shacab ah ee aan waxba galabsan, wuxuna ku waaniyey in dhinacyada dagaalamaya ay shuruud la’aan ku joojiyaan dagaalka.

Isagoo ka hadlaya, ayuu Ra’iisul Wasaare Cumar yiri:

“Waa nasiib-darro in degmada Beledweyne ay dagaallo sokeeyo ka dhacaan waqtigan oo dadka Soomaaliyeed ay ka tashanayso mustaqbalkooda, waana in si deg-deg ah loo joojiyaa dagaaladaas, lana qaataa nabadda”.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa isaga oo aad uga xun, waxa uu baaq xabad joojin ah u diray dhinacyada ku dagaalamaya qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Hoose, wuxuuna nasiib darro ku tilmaamay dagaaladaasi soo noqnoqday oo ay ku dhimanayaan dhalinyaro Soomaaliyeed.

“Dagaalkan waa mid aan loo dulqaadin karin, waana mid fursad siinaya dhammaan inta diiddan nabadda iyo horumarka deegaanka, cid walba oo arrintaa ku lug yeelatana waxaa laga qaadayaa tallaabada ku haboon. Waa inaan wadajirkeenna iyo isku xirnaanteenna adkeynaa oo aan khilaafkeenna ku xallinaa si nabad”. ayuu yiri R/Wasaare Cumar.

R/Wasaaraha ayaa ugu danbeyn tacsi u direy dadkii ku geeriyooday dagaaladaasi macno darrida ah, isagoo Eebe uga baryay in uu caafimaad deg deg ah siiyo kuwii ku dhaawacmay.

—DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka Muqdisho, Somalia media.opm@gmail.com Twitter: @SomaliPM

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post