X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ugu Baaqay Dadka Ku Dagaalamaya Deegaanka Xara-dheer In Ay Xabad Joojin Sameeyaan

 

 

 

 

 

Mogadishu(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiwali Sheikh Axmed ayaa ugu baaqay dhinacyada ku dagaalamaya deegaamada Xara-dheere ee badhtamaha Somalia in ay deg deg u joojiyaan xabada iyo colaada, isla markaana isugu yimaadaan miiska wada hadalka.

Cabdiweli, wuxuu sheegay in dagaalada ka socda deegaankaa aanay ahayn kuwo loo samaynkaro cudur daar, isla markaana ay sababeen khasaare nafeed iyo barakac soo gaadhay dadka maatada ah.

“Dadka Walaalaha ah ee dirirtu ka dhaxayso waxaan ugu baaqayaa in ay xabad joojin deg deg ah ku dhaqaaqaan, kana waantoobaan colaadaha macno darada ah ee ku soo noq noqonaya deegaanka” ayuu yidhi Raysal Wasaare Cabdiweli, wuxuuna Maamulada gobolada dhexe ugu baaqay in ay door ka qaataan sidii loo damin lahaa Collaadaha ka jira deegaanka Xara-dheere.
Sidoo kale Raysal Wasaare Cabdiweli, wuxuu ugu baaqay Odayaasha dhaqanka, nabadoonada iyo ururada bulshada rayidka ah inay u istaagan joojinta colaadda oo ay u fidiyaan gogol nabadeed dadka dirirtu ka dhaxayso, si meesha looga saaro colaada, loona soo celiyo kalsoonidii ka dhaxaysey dadka walaalaha ah ee wada daga degaankaas.

Dagaalka oo ka dhacay deegaanka Xara- Dheere ee gobolka Galgaduud ayaa salka ku haya aanooyin qabiil, waxaana jira warar sheegaya in ay ku nafwaayeen dad gaadhaya ilaa 15 qof sidoo kalana ku dhaawacmeen ugu yaraan 20 qof oo kale, iyadoo uu dagaalku sababay in ay dadka deegaanka ee maatada ah qaarkood ka qaxaan guryohooda iyo goobihii ay deganaayeen, kuwaas oo aan helin wax gurmad ah.

Somaliland Office
ifo@araweelonews.com
jaamac132@gmail.com

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post