X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Magcaabay Guddida Dar-dar Gelinta Shuruucda Dalka

Muqdisho(ANN)March 26, 2015. Rayasal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke oo maanta shir guddoomiyey kulanka caadiga ah ee Golaha Wasiirada, ayaa magcaabay Guddida Dib u eegista Shuruucda saldhigga u ah higsiga 2016 iyo Arrimaha Warbarashada dalka.

Kulankaa oo lagaga hadlay arrimaha amaanka, waxa warbixin lagaga dhegeystay Wasiiru dowlaha Amniga Gudaha Daa’uud C/kariin Cumar oo sheegay in amniga magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka uu yahay todobaadkan mid soo hagaagayay kadib markii la qaaday tallaabooyin lagu sugayo amniga Qaranka, sida uu watbixintiisa ku sheegay, wuxuna xusay in gacanta lagu soo dhigay Horjooge ka tirsan Kooxda Al-shabaab kaas oo howl-gallada Muqdisho u qaabilsanaa Ururka Al-shabaab.

Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale warbixin ka dhageystay Wasiirka Waxbarashada Marwo Khadro Bashiir Cali, sida lagu sheegay qoraal warbaahinta loo qaybiyay oo uu ku saxeexnaa Ahmed-Nur Mohamed oo xafiiska Raysal wasaaraha u qaabilsan warbaahinta.
Marwo Khadra Bashiir, ayaa warxbinteeda ku sheegtay in ay Wasaaraddu ku howlan tahay dadaallo ku waajahan sidii dalka oo dhan looga qaadi lahaa Imtixaan mideysan, kaas oo ay iska kaashanayaan Wasaaradda Waxbarashada iyo daladaha ka jira dalka si looga gudbo wax walba caqabad ku noqon kara waxbarashada dalka.

Sidoo kale Shirka Golaha ayaa looga hadlay dib-u-habayn lagu sameeyo xerooyinka Ciidamadda Xogga dalka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin gobollada dalka, iyadoo loo xil saaray arrintaas guddi uu madax u yahay Wasiir ku xigeenka Gaashaandhigga Mudane Cabdalla Xasan Cali in ay soo qiimeeyaan baahida ka jirta xerooyinka ay Ciidamaddu leeyihiin ee ku yaala qaar ka mid ah gobollada dalka.

Gebagebadii Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa magacaabay guddi uu ugu yeedhay guddida dar-dar gelinta sharciyada muhiim ka u ah 2016, sharciyadaas oo isugu jira kuwa hadda la abuuri doono iyo kuwii hore loo ansixiyay, waxaana guddida arrintaas loo xil saaray madax u ah Raysal Wasaare ku xigeenka dalka Mudane Maxamed Cumar Carte, iyadoo ay xubno ka yihiin wasaaradaha Cadaladda Arimaha Gudaha, Gashaandhigga, Qorshaynta, Dastuurka, Haweenka iyo Xuquuqul Insaanka, Wasiiru dowlaha Xidhiidhka Baarlamaanka ee Xafiiska raysal wasaaraha iyo Wasiiru dowlaha Arrimaha dibdada. Sida lagu sheegay qoraalka Xafiiska Raysal Wasaaraha Somalia u qaabilsan Warbaahinta.

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post