X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo La Kulmay Dhigiisa Talyaaniga

Araweelo News Network

Roma(ANN)Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Talyaaniga, ayaa maanta kulan dheer la qaatay dhigiisa Raysal Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi. Sidaana waxa lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Raysal Wasaaraha.

Qoraalka waxa lagu xusay inay labada Raysal wasaare ka wada hadleen arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin xidhiidhka qotada dheer ee labada dal, arrimaha amniga iyo xoojinta iskaashiga labada dawladood.

Raysal Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid ayaa ugu horreyntii uga mahadceliyey Raysal Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi casuumaada rasmiga ah iyo soo dhoweyntii quruxda badneyd ee wafdigiisa loo sameeyey. Ka dibna waxuu warbixin kooban ka siiyey xaaladda Soomaaliya uu sida uu sheegay horumar ay Dowladdu ka samaysay dhanka amniga, dhismaha maamullada dalka, dib u heshiisiinta, maamul wanaaga iyo dib-u-eegista dastuurka Qaranka.

Raysal Wasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi ayaa ballanqaaday in xukuumaddiisu garab taagan tahay Soomaaliya, isla markaana ay Talyaaniga ka caawini doonaan shacabka soomaaliyeed arrimaha soo celinta nabad-gelyada iyo sidii Soomaaliya ay mar-kale cagaheeda isugu taagi lahayd.

Sida lagu sheegay qoraalka Labada Raysal Wasaare, ayaa isla gartay in la abaabulo Shirka Iskaashiga Ganacsiga ee Soomaaliya iyo Talyaaniga si kor loogu sii qaado xidhiidhka labada dal ee soo jireenka ah.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post