X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ka Qaybgalay Kulan

Mogadushu(ANN)Ray’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke iyo wakiilka Q/midoobay u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Kay ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad lagu xusayay maalinta nabadda adduunka, taasoo sanadkaan halku dhegeedu ahaa “Aan ku midowno Nabadda”.

Munaasabadan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qeybgalay madaxda maamul goboleedyada dalka, gaar ahaana madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, madaxweynaha maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmad Maxamed Madoobe.

Munaasabadan oo uu soo qaban qaabiyay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Haweenka iyo xafiiska UNSOM ayaa waxaa lagu muujiyay muhiimada ay nabadda u leedahay bani’aadamka, si gaar ahna dalka Soomaaliya oo 70% (boqolkiiba todobaatan) dadkeedu yahay dhalinyaro, waxaana laga aqriyay goobta baaqii dhalinyarada caalamka ee ka soo baxay shirkii ay ku yeesheen dalka Urdun, kaasoo lagu qeexay in loo baahan yahay in dhalinyaradu ay qeyb ka noqdaan hay’addaha siyaasada dalka, si loo helo xasilooni iyo nabad.

Sidoo kale, iyada oo laga faa’iideysanayo munaasabadan maalinta nabadda ayaa waxay wasaaradda haweenku soo bandhigtay qorshe Qaran oo looga hortagayo Gudniinka Fircooniga, waxayna Wasiirka haweenka iyo xaquuqul insaanka Marwo Sahro Samatar ay sheegtay in golaha Wasiiradu ansixiyeen qorshahan lagu dabar goynayo Gudniinka Fircooniga.

Gabagabadii, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke oo goobta ka hadlay ayaa xusay in nabadda ay muhiimad u leedahay dalka Soomaaliya, maadaama dalku soo maray dhibaatooyin ka dhashay dagaalo sokeeye oo dhiig badana ku daatay.

“Nabadda annagaa ku nool ee iyadu naguma noola, waana muhiim in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadda iyo xasiloonida dalka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha oo xusay in ay ka shaqeynayaan sidii ay dhalinyaradu fursad ugu heli laheyd ka qeybgalka siyaasada iyo hogaanka sare ee hay’addaha dalka.

—-Dhamaad—-

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post