X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Qorshaha Iyo Ujeedada Ka Dambaysa In Xilka Laga Qaado

Mogadishu(ANN) Raysal Wasaaraha Somalia Cabdiweli Sheekh Axmed, ayaa sheegay in uu ka xumaaday khilaafka sii xoogaystay ee u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh, kaas oo sababay in Baarlamaanka loo gudbiyo mooshin la doonayo in xilka lagaga xayuubiyo.

Sidaana waxa sheegay warar laga soo xigtay xafiiska Raysal Wasaaraha, wararkaa oo qaar mid ah Warbaahinta Dawlada u sheegay in qorshe la doonayay in lagu dhex dhexaadiyo isaga Raysal Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Madaxweyne Xasan Sheekh uu ka socon waayay dhinaca Kooxda Madaxweynaha ee Daamuul Jadiid oo doonaya in laga xayuubiyo xilka Raysal Wasaaraha.

Sidoo wararka laga soo xigtay Xafiiska raysal wasaaraha Somalia, ayaa sheegaya in sababta ay kooxda Xasan Sheekh aanay u doonayn in xal loo helo khilaafka ay ugu weyntahay qorshe qarsoon oo la doonayo in mudada loo kordhoyo Madaxweyne Xasan Sheekh ka hor inta aan la gaadhin waqtiga beesha Caalamku u qorshaysay in ay Somalia ka dhacdo doorasho lagu doorto hogaan, taas oo mudada loo qabtay tahay gabaabsi marka la gaadho sanadka 2015.

Hase yeeshee qaar ka mid ah Xildhibaanada Somalia iyo Wakiilka qaramada Midoobay ee Somalia, ayaa si weyn u diidan qorshaha ka danbeeya khilaafka ee Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Kooxdiisa Daamul Jadiid doonayaan in ay sabab u noqoto muddo kordhin loo sameeyo xukuumadda, waxayna dedaal dublamaasiyadeed ugu jiraan sidii loo baajin lahaa qorshaha iyo ujeedada laga leeyahay khilaafka iyo in xilka laga qaado raysal Wasaraaha Somalia, kaas oo maanta Baarlamaanka loo gudbiyay mooshin la doonayo in xilka lagaga qaado.

Si kastaba ha ahaatee khilaafka madaxda Somalia, ayaa la rumaysan yahay in aanay ka madhnayn gamco siyaasadeed oo ka baxsan Somalia, kuwaas oo khilaafkan iyo khilaafyadii ka horeeyay ee galaaftay Madaxdii labadan masuul ka horaysay si weyn saamayn ugu lahaa.

Araweelo News Network
Somaliland Office
ifo@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post