X
    Categories: Warar

Raysal Wasaaraha Somalia Oo Ka Hadlay Dhakhaatiir Turkish Ah Oo Lagu Dilay Muqdisho

Araweelo News Network
Mogadishu(ANN) Raysal Wasaaraha Dawlada Somalia ee Muqdisho Cumar Cabdirashiid, ayaa ka hadlay Dhakhaatiir Caafimaad oo u dhashay dalka Turkiga oo lagu dilay maanta magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia.
“Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee la dhibaateeyay iyaga oo shacabkeena gargaaraya” sidaa waxa yidhi Raysal Wasaare Cumar Cabdirashiid oo ka hadlaya dhacdadaa.

Raysal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, wuxuu si kulul u cambaareeyey weerarkii waxashnimada ahaa ee lagu laayey dhaqaatiir isugu jirtay Soomaali iyo Turki xili ay gar-gaar u fidinayeen dadkeena Soomaaliyeed, kuwaas oo ka howl gali jiray xarun caafimaad oo ku taal magaalada Muqdisho.

Raysal Wasaaraha ayaa fal fuleynimo ku tilmaamay weerarkii galabta lala beegsaday dhaqaatiirta ka howgalayay Isbitaalka Deva, kaasi oo adeegyo caafimaad u fidiya shacabka xanuunsan ee Soomaaliyeed, wuxuuna Alleh uga baryay intii dhimatay inuu Janadiisa ka waraabiyo, inta dhaawaca ahna bogsiiyo, “Waan la xanuunsaneynaa walaalaheena Turkiga ee iyaga oo shacabkeena gargaaraya la dhibaateeyay, waana la murugooneynaa shacabka iyo dawladda Turkiga” ayuu yidhi Raysal Wasaaraha Xukuumada Cumar Cabdirashiid.

Ugu danbeyn, Raysal Wasaaraha ayaa sheegay Shacabka Soomaaliyeed marnaba in aysan ka weecin doonin wadada toosan ee horumarka, falalka guracan ee kooxaha uu ugu yeedhay sharwadayaasha ay geysanayaan, wuxuna ku baaqay in gacan la siiyo Ciidamadda Ammaanka si looga hortago kuwa dhibaatada geysanaya.
Dhinaca kale Raysal Wasaaraha Somalia ma cadayn kuwa ay yihiin dablaydii falka fuliyay, balse warbaahinta taageerta Al-shaabab, ayaa shaacisay in ragga la dilay ay ahaayeen kuwo ka tirsan safaarada Turkigu ku leeyahay muqdisho, iyadoo dadkii weerarka fuliyay goobta ka baxsadeen sida ay sheegeen wararka ka ag dhowaa goobta.

Magaalada Muqdisho ayaa noqotay goob ugaadhsi dilalka qorshaysan, qaraxyada iyo weerarada inta baddan kooxda Al-shabaab ka fuliso, iyadoo falalka ugu xumi ka dhacaan goobaha sida weyn loo ilaaliyo amaankooda.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post